Ka Bogo Liiska Magacyada Saraakiisha la xidh-xidhay ee Xisbiga Waddani oo kor u dhaafay 30 Qof

wadaniHargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa xabsiga dhigay Masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kadib markii Xisbigaasi shalay ku dhawaaqay Muddaharaad Isniinta Maanta ah  ka dhaca dalka.

Sidoo kalena Xukumaddu waxay la wareegtay Xarumaha guud ee Xisbiga Waddani ku leeyahay Magaalada Hargeysa, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Xisbiga WADDANI ayaa kadib markii uu maalintii shalay ka dalbaday xukuumada Somaliland inuu doonayo inuu dhigo mudaharaad ka dhan ah muddo kordhin xukuumada Axmed Siilaanyo iyo golaha wakiilada Somaliland loo sameeyo .

Halkan ka akhri Liiska masuulinta Xisbiga WADDANI ee Xukuumada Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay
1. Cali Cilmi Geele (Hogaanka Sare Xisbiga WADDANI)
2. Ifrax Cumar Xasan (Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee heer Qaran)
3. Xasan Xuseen Codyare (Xoghayaha ilaalinta Hantida Qaranka ee Xisbiga WADDANI)
4. Mustafe Maxamuud Qodax (Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI)
5. Mahad Xaaji Faarax (Xoghayaha Gobolka Maroojijeex ee Xisbiga WADDANI)
6. Hassan Ahmed Muuse Goodaad (Xoghayaha Xanaanada Xoolaha)
7. Maryan Maxamuud Diriir (Xogeyaha Garabka Haaweenka ee Heer qaran)
8. Maxamed Sidiq Dhame ((Afhayaanka Garabka Dhaliyarada ee Xeer qaran)
9. Amaal Yuusuf Cabdi indha cad(Afhayaanka Garabka Haaweenka ee Heer qaran)
10. Jamaal Hure (Gudoomiyihii Hore Gobola Dadmadheedh)
11. Deeq Xirsi Canbuur (Gudida Fulinta Xisbiga WADDANI)
12. Amina jirde (Hogeyaha Waacyigaliinta iyo Gobalka Marodijeex)
13. Mawlid muuse (gudoomiye kuxigeenka Gobalka Maroodijeex)
14. Ahmed Jaamac (Xoghayaha Wacyi Galiinta Degmada Ahmed
Dhagax)
15. Maxamed Foore(Gud degmada Maxamuud Haybe)
16. C/rahmaan Maxamed Rooble (Cabdi sigis)
17. Hassan Ahmed c/llaahi Caateeye (Hassan aar)
18. Sulekha Xiisa Cabdillahi
19. Sahra Salaax Cawad
20. Maryan Cismaan Faarax
21. Saynab Cawad Diiriye
22. Sahra Sakariye Cabdomuuse
wdGobolka Saaxil
1. Cali Axmed Kooshin (Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Xaaskiisa)
2. Faysal Cumar (Xubin Gudiida Sare Gobolka Saaxil (Berbera)
3. Cawil Birdaasar (Xubin Gudiida Sare Gobolka Saaxil (Berbera)
4. Cabdillahi Salaah (Wash Man) Xafiiska Gobolka Saaxil
5. (3) Dhalinyaro ah ( Heer Gobol)
6. (2) Dumar) ah (Heer Gobol)

Goboka Sool .
1. Cabdi Yusuf Ismaaciil ( Gudoomiyaha Gobolka Sool)

Gobolka Buuhoodle.
1. Fu’aad Muxamuud Mixile ( Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle)