Juventus oo dib soo Cusbooneysiisay rabitaanka Difaaca Chelsea ee Alex

SLpost Sports- Difaaca dhexe ee kooxda Chelsea Alex ayaa diirada u saaran kooxda Juventus oo qorsheyneysa inay la soo wareego bisha January marka uu suuqa kala iibsiga furmo, sida ay ku warameyso jariirada Turin ka soo baxda ee Tuttosport.

Juventus ayaa aad ugu baahan inay dhiig cusub ku darto difaaceeda, waxaana ciyaaryahanka reer Brazil loo calaamadiyay ninka ugu horreeya ee ay doonayaan. Kooxda ku guuleysatay 27 jeer horyaalka Serie A ayaa waxa ay sidoo kale wadahadalo kula jirtay difaaca dhexe ee kooxda Sao Paulo Rhodolfo, laakiin weli kama aysan quusan inay Alex soo xero geliyaan. Kooxda Turin ka dhisan ayaa xagaagii xiiseyneysa difaacii hore ee PSV, laakiin saxeexa ay ku doonayeen ma uusan hirgelin. Si kastaba, Agaasimaha Juve Marotta ayaa rajo ka qaba in Chelsea ay u furan tahay bisha January inay amaah ku dhiibto Alex, maadaama dhawaan uu ciyaaryahanka qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro Serie A. Wakiilkeyga waxaa la soo xidhiidhay Juventus, waxaan ahay 29 jir fursad fiican ayayna ii noqon laheyd. ayuu Alex u sheegay Sky Sport 24 bishii August waxaanu intaa sii raaciyey “Waan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro Italy, waana riyadeyda ka hor inta aan ciyaaraha ka fadhiisan, Qandaraaska uu Alex kula jiro kooxda Chelsea ayaa ku eeg xagaaga sannadka 2013-ka.

Somalilandpost.net

Sports News