John Kerry oo xasuuq ku eedeeyay Daacish

Us(SLpost)-Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa ku eedeeyay kooxda dowladda Islaamiga ah in ay xasuuq kula kaceen kooxaha laga tiro badan yahay ee dhinaca diinta ee gobolka Bariga Dhexe.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Washington, ayaa Mr Kerry wuxuu sheegay in IS ay fulisay xasuuqa ka dhanka ah Yazidis, Masiixiyiinta iyo muslimiinta shiicada ah iyo qaar kale oo ku nool goobaha ay gacanta ku hayaan.

Wuxuu sheegay in aragtida kooxda ay dunida ka qabaan ay ku salaysan tahay ciribtirka cid kasta ee aan raacsanayn mabda’ooda.

Waa markii labaad oo kaliya oo maamulka Maraykanku uu ku dhawaaqo xasuuq in uu dhacay intii dagaalkan uu socday.

Waa hadal lahaan kara culays sharci oo waajib ka dhigaya in dalalka dunidu in ciqaabaan kuwa mas’uuliyadda loo saarinayo.