John Kerry Iyo Uhuru Kenyatta Oo Ka Wada-hadlaya Qodobo Muhiim Ah

Nairobi (SL.Post) John Kerry oo ah Xog-hayaha Arimaha dibada  ee Maraykanka, ayaa maanta booqasho ku jooga Kenya ayadoo uu la leeyahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta wada hadalo.

 

 

 

 

John Kerry iyo Kenyatta ayaa lagu wadaa maanta inay shir ku qabtaan madaxtooyada ayagoo la filaayo inay ka wada hadlaan arimaha ammaanka ee gobolka iyo doorashada sanadka soo socda ka dhici doonta Kenya.

 

 

Sidoo kale ayaa waxalagu wadaa in Kerry uu la kulmo Waziirada Kenya u Qaabilsan Arimaha Dibada Aaamina Maxamed iyo waziiro kale oo dawlada Kenya ka tirsan.

 

 

Arrimaha la lafo guri doono ayaa waxa ku jira colaadaha hareeyay dalka curdanka ah ee Koofurta Suudaan iyo kala guurka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

 

 

War saxaafadeed ay soo saartay haweeneyda ah Kaaliyaha Xog-hayaha Amuuraha Afrika ee Mareykanka Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay in  Kerry uu booqasho ku kala bixin doonto  Kenya iyo Nigeria min Agoosto 21 ilaa 28.

 

 

Waxa kaloo lagu sheegay war murtiyeedkaa in Kerry uu la kulmi doono dhallinyaro Afrikaan oo ah hoggaamiyeyaal soo koraaya.

 

 

Inkastoo aanan weli la caddeyn waxyaabaha kale ee lagu soo qaadi karo wada hadalada waxaa ku jira xiritaanka la hadal hayo ee xeryaha Dhadhaab iyo sidii AMISOM looga dhigi lahaa ciidamo hoos taga QM.

 

 

Somalilandpost.