JILAAL GARDAADSADAY. Qeybta 1aad

 

Bari waxaa jiray nin dirawal ka ahaan jiray baabuur caanaha qaadi jiray kaasi oo magaalooyin iyo dhulka miigaha u kala gooshi jiray. Ninkan aad arkaysaa wuxuu kaliyoo ka fikiri jiray lacagta kasoo galaysa dadka iyo caanaha laakiinse marna isaga qorshihiisu muu ahayn dadka wanaaji oo abaal hakuu hayaan. Waxay mudo sidaa ahaataba waxaa dhacday maalin in ninkii oo magaalada soo galaya isagoo sida dadkii iyo caanihii in gaadhigii biriig ba laga waayey, markuu arkay inuu bahalku jar kusii socdo ayuu iskaga booday gaadhigii, gaadhigii oo dadkii wata ayaa jarkii kala dhacay intuu sidaa usii eegay buu yidhi alla maxaa dadkii iyo gaadhigii kala haysta…..

Macnaha waxaan usoo qaatay sheekadan umadan iyo dalkan aan cidiba ka naxayn. Dhibaatooyinka maanta umada haysta waxaa ugu weyni waa sixir bararka. Umadkasta oo jirtaa waxay iska leedahay dad iyagu ku xeel dheer dhibaatooyinka dhaqaale (economic crisis) ee markaa yimaada si ay xal degdeg ah uga gaadhaan laakiinse inaga cidiba dan inagama laha xataa madaxweynaheena la leeyahay wuxuu takhasus u leeyahay arimaha dhaqaalaha.

Arimahan sixir bararku waxay si mug leh u saameeyen ummadda oo dhan kuwii miiga ku noolaa iyo kuwii magaalada deganaaba, markaad sii gudagasho waxay dhulka la jareen dadkii ganacsiga yaryar haystay kaasi oo dadkii wax ka iibsanayeyna ay lacagtii dalka wax kaga iibsanayaan kii bakhaarka weyn haystana doolar wax kaga iibinayo taasi waxay fanax weyn dhexdhigtay isku badalkii lacagaha (exchange rate), ka dibna waxaa mudo yar oo kooban ku burburay malaayin ganacsi yaryar ah oo soo korayey taasina waxay saro u sii qaadi doontaa shaqo la’aanta baahsan ee dadka ragaadisay.

Ka daroo dibi dhal, waxaan mudo layaabana dawlada iyo dadka maanta hogaanka dadka u haya oo ku doodaya lacagta dalka hala isticmaalo iyadoon la maarayn qodobada kalifaya dhibaatadan ooy kaw ka tahay ZAADka iyo lacagta doolarka ah oo lagu yareeyey isku socodka ganacsi. Tusaale ZAADku markii hore wuxuu ahaa doolar kaliye laakiinse waxaa lagu soo kordhiyey kash, markaa halkaasi waxaa kasoo baxaya barar ku dhaca lacagteenii waayo kasoo qaad adigu hada waxaad dhigatay ZAADka 1000000sh (hal milyan) ka dibna iyadoo dhijida ayaad sidataa, halka halkii milyan ee ay telesom kaa qaaday aysuuqa dib usoo galinayso markaa adoo kaliya ayaa labo milyan suuqa soo galiyey taasina waxay sababaysaa in lacagteenii barar ku dhaco ka dibna qiimo beesho. Markaa anigu waxaan odhan lahaa waar aafo ayeynu kusoconaaye dadkan meesha aynu dhiganay umadan ha badbaadiyaan iyo dalkaba haday naleeyihiina waar dadkii iyo dalkiina maxaa kala haystana hanoo cadeeyaan.

WALEE DANBI QARANKA LAGA GALAY KAMA QARIYO WARATADDA

W/Q- Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Indha yare)