Jiidali Waxay U Xidhan Yihiin Aragtidooda – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf Hargeysa

garyaqaan muuse yuusufWaxaa ceeb iyo waxyeelo ku ah xukuumada iyo hay’adaha amaanka in ay xabsiyada u taxaaban cid aan dhib geysan ama geysaneyn, Sida Xubnaha ururka Jiidali ee habeenadan xabsiyada hargeysa kolba mid laga guuraysiiyo,

Markii la soo kaxaynaayay lama khasbin xoogna laguma soo kaxayn ee iyaga oo ixtiraamaya ciidankooda raacen oo ay aqbaleen khiyaamo maysamaynay rabshado iyo nabad galyo daro may dhibayn cidna manay geysanayn waxyeelo ee waxay ku sugnaayeen madal ay doonayeen inay ka dhiibtaan aragtidooda iyo halka ay ka taagan yihiin cadaalad daro lagula kacay gudoomiyahoodii oo laga qafaashay gurigiisa xili habeenimo ah, isagoo lagu haysto ama lagu qaniinay aragtidooda ka midaysan hab-dhaqaanka xukuumada talada haysa iyo saluuga hogaanka dalka, Taasina maaha danbi ee waa mid qofkasta oo muwaadin ahi xaq uleeyahay oo ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah ee dastuuriga ah mana aha mid iyaga gaar ku ah ee waata ay ku aasasan yihiin asxaabta Mucaaridka ah iyo inta aanay qancinin qaabka maamul ee jiraa,

Markay sidaas tahay waxa dayacan oo ciidanka boolisku ka gaabiyay shaqadiisi oo waxaa banaanatay kaalin ay fursad ka heleen tuugtii iyo shuftadii oo habeen kasta waxa lagu dhibaa dadweynaha magaalada hargeysa iyadoo loo geysto waxyeelo jidheed iyo mid dhaqaaleba.

Waxaan ku dhaliilayaa nidaamka xukuumada xadhiga iyo cadaadiska ay ku hayso cid kasta oo ka aragti duwan.

Waxaana uga baaqayaa in xoriyadooda looceliyo cid kasta oo u xidhan aragtideeda