JIGJIGA: Wufuud kala duwan oo ku kulmay Aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Singub

Jigjiga (SLpost)- Allah haw naxariistee waxa maanta Aas heer qaran loogu sameeyey magaalada Jigjiga Marxuum Abwaan Maxamuud Abdilllaahi Ciise (Singub) oo dorraad ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Wufuud kala duwan oo isaga kala timi dhammaan deegaamada Soomaalidu degto oo isugi jiray siyaasiyiin, abwaanno, aqoonyahanno iyo dadweyne tira badan, ayaa ka qayb-galay Aaska maanta loogu sameeyey Marxuumka duleedka magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka tagay wefti heer qaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Kheyraadka Biyaha Md Saleebaan Cali Koore.

 

Muuqaalka Hoose ka daawo Warkan oo dhammeyatiran