JIGJIGA:DAAWO Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Xarunta Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia

Jigjiga (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, halkaas uu kaga qayb-gali doono xuska Sanad-guurada Qoomiyahada Ethiopia, ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dawlad-deegaanka Somalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii gaadheen Xuduudka Labada waddan, wax aka horyimi isla markaana si diiran u soo dhaweeyey oo ka hor yimid Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Md Cabdi Maxamuud Cumar  oo qaabilaada ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigba u hor kacay magaalada Jigjiga halkaas oo madaxweynaha lagu qaabilay heer caalami, Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la dejiyey Guriga Martida ee Madaxtooyada DDS –da oo ay hore u sii deganaayeen Raisal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha South Soudan iyo Madax fara badan oo ka socda Wadamada Afrika intooda kale.

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa Ethiopia ku wehelinaya Marwada Madaxweynaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Xanaanada Xoolaham Xoghayaha  Gaarka ah ee Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada, Agaasimaha Guud  Arrimaha Dibeda, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, Xildhibaan Indho indho oo ka tirsan Golaha Guurtida, iyo qaybka mid ah Saxaafada Somaliland.

DAAWO SAWIRRO

IMG_0078 IMG_0074 IMG_0071 IMG_0067 IMG_0056 IMG_0044IMG_0177 IMG_0173 IMG_0166 IMG_0157 IMG_0145 IMG_0129 IMG_0120 IMG_0104