JIDKEE AYAAD HAYSAA BAL IS XISAABI ADIGU!

Caalamkan aynu ku nool nahay waa mid Allah(swt) ugu tala galay in uu ku kala saaro adoomihiisa,oo lagu kala hufayo ama shaandhada lagu kala saarayo midka wanaagsan ee adoomada ka mid ah iyo kan xun.Waa hoygii tijaabada iyo imtixaanka tartanka ee kala reebka adamaha.

Imtixaanka si aad ugu guuleysatid waa inaad ka qayb gashaa waxbarashada iyo duruusta loogu talagay in Adamaha logu kala sooro looguna ogaado kii dadaalay iyo kii iska hurday ee aan gudan wixii Allah (swt) faray iyo wixii uu ka reebayba.Jidkasta oo la maraa wuxuu si fudud kuu geelyaa meesha aad u socotid,hadii aanad asqoobin.

Hadii aad is xisabisid dhinac kadsta oo camal falka noloshaada iyo doorkaaga shaqo ee ku aadan raali ahaanshaha Allah(swt) ma heystaa natiijo wanaagsan xisaabtaadii markaad isku geysay,ma garatay jidka aad haysaa mid kuu yahay, ma waxaa aad haysaa jidkii ku geynayey janada Allah(swt) ugu tala galay adoomadiisa wanaagsan,mise waxaa aad haysaa jidkii ku geenayey naarta, Allah ha inaga badbaadiyee.

Hadii aad hayso jidka fiican ee janada waa hadii aad tahay:

1- Mid Allah(swt) rumeysan iyo dhamaan rusuushiisa, ogna in Nebi Maxamed(scw) yahay rasuul iyo nebi Allah soo diray oo xaq ah.

2- Mid Iman leh oo lixda rukun ee imaanku qalbigiisa ku haysta ficil ahaana u fuliya cadayn akhri quraanka {(49:7), (7:158), (2:143).}

3- Mid laga nabad galay Afkiisa iyo gacantiisa, waxaad arkeysaa qaar badan oo inaga mid ah oo mar marsto oo ay hadlayaan ka hadlaya uun ceebeynta,isku dirka,kala fogeynta dadka muslinka ah oo aad moodo in jaamicado uga soobaxeen ceebeynta,iyo ka beer abuurashada dadka wanaagsan. MUSLIMKU WAA QOFKII AFKIISA IYO GACANTIISABA KA NABAD GALAAN MUSLIMINTU.

4- Mid sameeya shaqo wanaagsan(camal saalix ah)oo Allah dartii uun loola jeedo, Waxaa badan ama jira dad badan oo ujoodooyin badan oo kale u qabta shaqada wanaagsan ee ay qabanayaan waxaa ka mid ah kuwo Amaan reedis ah,kuwo raba is muujin oo dadka istusinaya uun,kuwo ay ka tahay uun dadka lagama hadho oo iska raacinaya,kuwo adaminimo uun wax u bixinaya kuwaasi helayaan uun waxay doonayeen ee amaan,istusid iwm oo dadka ayaa dee sheegsheegi doona lakiin AllAH xagiisa waxba kuma laha.

Jidka kale ee naarta kugu ridayaa waa ka kaa leexiya kana hor imanaya qodobadaasi aynu soo sheegnay.Allah aynu ka baqno oo aynu cibaadada,cabsida aynu u keliyeyno ALLAH(swt), Afkeena iyo Xubnaheenana aynu ka nebedgelino dadka si aynu u noqono muslimiin.

Waa mahadsantiin

M J Farah IND. Political analyst and writer