Jewigii soo-dhaweynta Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo Soo Guryo Noqday (SAWIRRO)

Somaliland President, Muse Bihi Abdi on his arrival from Addis ababa today

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo 48-kii saac ee u dambeeyey hawlo shaqo ugu maqnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa maanta ku soo laabtay dalka, waxaana si ballaadhan loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Soo-dhaweynta Weftiga Madaxweynaha waxa ka qayb-galay, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Shir-guddoonka baarlaamanka, Siyaasiyiin, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo dadweyne kale.

Ujeeddada safarka madaxweynaha iyo waxyaabaha u qabsoomay, waxa warbaahinta uga warbixiyey Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

“Shirkaa intii aanu joognay waxa aanu la kulanay oo aanu hor fadhiisanay madax badan oo Afrika ah iyo dad kale oo u badan caalamka oo ka soo qaybgalay shirkaa ama goobjoog ka ahaa, madaxweyneyaal haday tahay, wasiiro haday tahay, laamaha madasha Afrika haday tahay iyo hay’addo kale oo farabadan oo caalamiya ayaanu halkaasi kula kulanay oo aanu ka wada hadalnay qadiyadda Somaliland, Illaahay mahadi ha ka gaadho waxa aanu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay oo danihii aanu ka lahayn ama looga baahnaa aanu ka gaadhnay aad iyo aad ayaanu guulo badan uga soo hoynay, cid walba oo aanu halkaa isku aragnayna si wanaagsan ayaanu isu afgaranay, in badan ayaanu fahansiinay qadiyada Somaliland ama fahantahay arrinta qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.