JAYLAANI: Abwaan Ka Dhex-mudhay Hal-abuurka Soomaaliyeed oo Afka Hooyo Hees u Sameeyey

Hargeysa (SLpost)- Hal-abuurka Dhalinyarada ah ee Reer Hargeysa Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) oo ka tirsan Bahda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa ku guulaystay inuu noqdo Abwaankii ugu horreeyey ee Hees u sameeya Afka Hooyo ama Luuqadda Soomaaliga, taas oo ah Heestii koowaad ee inta la hayo ama la ogyahay mid ka mid ah Hal-abuurrada Soomaalidu u sameeyo Afkeenna Hooyo.

Heestan uu Curiyey Abwaan Jaylaani, ayaa Hal-ku-dheggeedu yahay; ‘Afkaygoow Qolo Ma Tihid’, taas oo uu kula hadlay Afka laftiisa, kagana hadlayo inuu yahay Af ama Luuqad ka dhaxaysa dhammaan Soomaalida gobolkasta iyo maamulkasta oo ay kala sheegtaan, siyaasad kasta oo ay isku-qabtaanna aanay saamayn doonin ee uu yahay Af Qani ah oo Illaahay Qorshe iyo Qoom ugu talo-galay, isla markaana aan Qaxooti ku ahayn Dunida.

Waxaa Heestaa isu dhiidhiibaya ama wada-qaadaya Shan Hoobal ooo ka tirsan Fannaaniinta Kooxda waayadan dambe laga daba dhacay ee Xiddigaha Geeska, kuwaas oo kala ah; Maxamed-Cirro, Khadra Cabdi Silimoo, Mursal Muuse, Cabdirisaaq-Anshax iyo Ugbaad-Aragsan. Heestan waxaa Laxanka Macaan ama Hab-dhaca Luuqda ku ladhay Laxamaystaha, Kamanaystaha Maxamed Miyir Xaaji, Muusiga macaan waxa raaciyey oo tumay Axmed-Weli Furinle, Duubista Xiddigaha Geeska, waxaana Muuqaal Qurxoon oo ay toddobaadkii hore ku soo baxday Heestaasi Duubay Farsamo-yaqaannada Xiddigaha Geeska.

Haddaba, Heestaas oo noqotay middii ugu horreysay ee ka hadlaysa qiimaha, qani-nnimada iyo wanaagga Afka Hooyo leeyahay, sida Dadkiisi u kala qayb-qaybsameen ee ay u saameeyeen Siyaasadaha Shisheeye, Qabyaaladda iyo isku-qabashadooda, haddii dawladdiisi, burburtay, haddii Dadkii lahaa inba meel lagu xidhay iyo sida waxaas oo dhan uu uga bad-qabo. Hestaas Naxweheeda iyo sharraxa Nuxurkeeda oo Qof kasta oo Soomaali ahi fasiran karo muhiimadda ay Afka u leedahay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan hoose Erayadeeda oo dhammaystiran, ee ka bogasho habboon:-

Afkaygoow Qolo ma tihid

Qabiiliyo Reer ma tihid

Qof gaar kuu lihi ma jiro.

Dadkaagaa Qaybsamoo

Qoloba Qolo diiddantee

Adigu Waxa tahay  Af Qudha.

Adduunkiyo Qaaradaa

Astaanbad Qoom u tahay

Qiimaha Soomalinnimo

Ayaad Quwaddiisa tahay.

Afkaygoow Qaran jiraadtay 

Jabuuti Qiimahaaga weeye

Jigjigi Quruxdaada weeye

Gaarisi Qaydkaaga weeye

Muqdisho Qoriddaada weeye

Hargeysi Qamuuskaga weeye

Boorame Qalinkaaga weeye

Bosaaso Qiyaastada weeye.

Bayjka 2-aad:-

Afkaygoow Quus ha noqon

Kolkay is Qardoofayaan

Shantii Qayb kuu lahayd

Qayrkoodba kala diloo

Reeray isu quudhsadaane

Ha  Moodin inaad Qabyowday

Qastiga Abuurte Allana

Qaybaad Dhulka leedahoo

Qorshiyo Nolol-baad Hagtaaye

Adduunka kuma tihid Qaxoonti.

KOORAS AMA DHEXTAAL:-

Afkaygoow  Qaran jiraadtay 

Jabuuti Qiimahaaga weeye

Jigjigi Quruxdaada weeye

Gaarisi Qaydkaaga weeye

Muqdisho Qoriddaada weeye

Hargeysi Qamuuskaga weeye

Boorame Qalinkaaga weeye

Bosaaso Qiyaastada weeye.”

XIGASHO: WARGEYSKA OGAAL

https://www.youtube.com/watch?v=W6NAn7s3rKg