Jawaabtii naxdinta lahayd

Maryan waxa ay jiiftaa sariirta cusbitaalka. Waa dhaawac, weliba waa dhaawac culus. Cusbitaalka intii aan la keenin dhiig badan ayaa ka baxay. Lama hubo xaddiga dhiigga ah ee jidhkeeda ka baxay, hase haatee, wax ay u badan tahay in aan kolka horeba dhiig badani ku jirin. Dhaawaca maanta jidhkeeda ku dhacay waxa uu ugu sii darsamay dhaawac ay nafsaddeedu hore u qabtay.

Maryan waa hooyo shan carruur ah leh. Maanta kolkii la dhaawacay, waxa ay gudanaysay hawl shaqo. Shaqada ay qabanaysay nacfi la tilmaami karo kuma ay qabine nafta iyo duruufaha nololeed ayaa u geeyay. Hawsha shaqo ee ay qabanaysay wax ay ahayd: qashinka jidadka tuuran in ay ururiso dhulkana ka nadiifiso. Hawshaa shaqo keli kuma ay ahayne hooyooyin kale oo sideeda danyar ah ayaa maalin kasta la wadaagayay.

Ururinta qashinka iyo nadaafadda sharci ahaan iyo waajib ahaanba waxa u xil saaran maammulka magaalada, hayeeshee haweenkan duruuftu nuglaysay ayuu u sii igmaday. Jidadka magaalada in qashinka laga ururiyaa waa hawl culus qalabna u baahan, haweenkani se gacmahooda ayay ku ururiyaan.Dhacdada ay maanta Maryan ku dhaawacantay, ugub ma aha ee dhawr jeer oo hore ayay dhacday. Dhawrkaa jeerba haween tiro badan ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay. Dhimashada iyo dhaawaca caynkan ah waxa sababa qarax, qaraxana dad baa fuliya. Qaraxii ay maanta ku dhaawacantay kolkii uu dhacayay, jidka ay nadiifinaysay waxa marayay masuulkii u sarreeyay maammulkii magaalada ee iyada shaqada u diray.

Masuulkaasi qaraxa waxba kuma uu noqon. Gaadhiga uu saarnaa oo ahaa kuwa aanay rasaastu karin, iyo qadder Alleba sababta badbaadadiisa u daa.

Maryan dhaawaceeda waxa soo qaaday gaadiidka shacabka. Iyadu waa dhaawac. Hayeeshee, haweenkii ay wada shaqaynayeen intooda badan xubnahooda oo googo’an, iyo hilbahooda oo kala finiinay ayaa la isu soo ururiyay! Carruurta shanta ah ninkii Maryan ka dhalay in uu nool yahay, iyo in uu qarax amma sabab kale u dhintay mooyi! Maryan cusbitaal aan si buuxda u daryeeli karin ayay jiiftaa. Naftu waa ay ku jirtaa oo weli waa ay nooshahay. Indhaheeda ilmo ka qubanaysa looma jeedo. Malaha indhuhuba waa ay gudheen oo hore ayay u illin dhammaysatay! Qalbigeeda dhimbiisha ka baxaysa, iyo mawjadaha hadba dhan ka hirdiyayaa waa xisaabo qarsoon. Maryan waa ay dulman tahay waana ay ciillan tahay. Dulmiga iyo ciilka, duruuf inteeda badan aanay kasbane la baday ayaa u dheer. Maryan iyo haweenkii la shaqaynayay, masuulkii dartii loo waxyeelleeyay dib uma soo jalleecin jidkana kama uu leexane hore ayuu iskaga sii socday. Masuulkaasi Maryan dhaawaceeda iyo dadkii kale midna kama soo war doonin.

Maryan, waxa aad mooddaa in aanay weli nolosha ka rejo dhigin, rejo u muuqata iyo nolol la tilmaami karo oo ay qabtaana jirto. Maryan oo dhibta iyada gaadhay ay kala culus tahay xaaladda shanteeda carruur ah iyo waxa ay mudan doonaan, ayaa weriyaha idaacaddu su’aal wayddiiyay. Weriyaha laftiisu, su’aasha uu Maryan wayddiiyay waxa aad moodaysay mid uu shaqadiisa uun xog ugu raadinayay.“Qaraxa aad ku dhaawacantay sida uu u dhacay, iyo goobta uu ka dhacay wax ma nooga sheegi kartaa?” Ayuu warsaday. Maryan goobtii qaraxu ka dhacay waa ay u sheegtay, waxa qarxay iyadana dhaawacay in aanay war u haynna waa ay u raacisay.

Intaa kaddib, weriyihii wax uu wayddiiyay su’aashii ay jawaabta naxdinta leh ka bixisay. Su’aashu wax ay ahayd: shaqada dhibtu ka soo gaadhay dheef waxa ay ku qabtay. Maryan ayaa jawaabtay oo tidhi: “dheef kale kuma aan qabine, toban kiilo oo masaggo ah, (hadhuudh ah), oo aan ilmaha ku quudiyo ayaa bishii la i siin jiray dalkaygana waan u shaqaynayay!”Maryan toban kiiloo masaggo ah ayay shan carruur ah u xoogsanaysay bil dhanna anfaco uga dhigaysay! Intaa kuma ay ekayne, waa ay niyad samayd oo in ay shaqo qaran hayso ayay aamminsanayd.Maalin kaddib, Maryan oo xaaladdeedu liidato, xaaladda ubadkeediina Alle og yahay ayaa qaraxii ay ku dhaawacantay kooxi sheegatay! Ninka kooxdaa u hadlay waxa uu sheegay; qaraxa in ay ula dan lahaayeen nin masuul ah in ay ku khaarijiyaan, Ilaahay mahaddiina shaqaalihiisii iyo dad la socday ay ku halaagsameen!

Dhawr dharaarood kaddib, ninkii ka masuulka ahaa shaqadii Maryan lagu dhaawacay waxa uu aaday London. Diyaaradda kolkii uu ka soo degay aad ayaa loo soo dhoweeyay. Laba habeen kolkii uu nastay, jaaliyaddii London degganayd xaflad weyn oo soo dhowayn ah ayay u qabteen. Isagana, (masuulka), waxa marti looga ahaa in uu ka warbixiyo magaaladii uu masuulka ka ahaa; dhan amni iyo dhan nadaafadeedba. Masuulku kolkii codbaahiyaha lagu soo dhoweeyay, farxad inta uu la ilmayn gaadhay ayuu aad ugu mahadnaqay dadka soo dhoweeyay. Isaga oo dareenkiisa hadlaya, dhawr jeer waxa uu ku celceliyay: “waxa aad qabateen shaqo fiican.” Masuulkaasi, haweenkii danyarta ahaa ee tobanka kiiloo bishii ku shaqaynayay waxyeellada joogta ahna qabay, shaqada ay hayeen marna ugama uu mahadcelin. Sidoo kale, dhacdadii u dambaysay ma uu xasuusane hadalkiisa waxa uu ku soo gebogebeeyay: “nadaafadda magaalada iyo amnigaba wax weyn ayaannu ka qabannay.”

Su’aashu waxa ay tahay: magaalada dadkeeda kuwii ugu jilicsanaa ay dulmiga caynkaas ah qabaan, bilic san iyo amni buuxa sidee ayaa loogu soo dabbaali karaa? Sidoo kale, jaaliyadaha debeddu, maammuuska ay bixiyaan, cidda dhab ahaan u qalantaa masuulka iyo masaakiinta hawsha shaqo u naf waaya waa midkee?

W/Q: Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal”

Email: Maxamedhaykal020@gmail.com