Jawaab ku socota ninka la yidhaa Cali Cabdi Coomey – W/Q: Khadra X. Cabdilaahi

Waxaan dhawaanahan eegayay taariikho-ku-sheeg uu qoro amaba malmaluuqo nin lagu magaaabo Cali Cabdi Coomey oo sheegtay suxufi qoraa ah.

Mr. Cali, wuxuu ka hadlayaa taariikho uu been abuuro oo uu dhalan rogay isagoo sababta uu u dhalan rogayaa ay tahay isir nacayb iyo qabyaalad. Taariikhaha uu ka sheekeeyo wuxuu sheegaa inuu ka soo xigtay meelo malo awaal ah sida taariikhda umadda Somaliyed, oday hebel iyo habar heblaayo oo dhammaantood beentii ah. Waxaan u dirayaa isaga baaq aan leeyahay umaddana ha isku dirin, naftaadana ha gelin dambi iyo aakhiro xumo oo umadda been ha u sheegin. Saxaafaddana waxaan ugu baaqayaa inaanay daabicin beenta iyo dacaayadda qabyaaladda ku dhisan ee uu ninkaasi u soo gudbiyo, haddii ay xataa daabacayaan waxaan idinka codsanayaa inaad marka hore hubisaan in taariikhahan uu qorayaa ay yihiin kuwo jira oo uga waramaya sida ay yihiin.

Qormooyinka uu beenta ka sheegayo waxa ka mid ah Qorshihii Dawladii Somaliland ee 1960-kii, taariikhda magaalada Hargeysa, shirarkii beelaha sacad Muuse, taariikhda shirkadaha Somaliland, taariikhda saxaafadda Somaliland iyo taariikho kale oo uu dhammaantood ku eegay muraayad qabiil.

Waxaan ugu dambayn leeyahay ninkaas waar beeni raad ma leh.

Khadra Xaaji Cabdillaahi