Jarriidada Washington Times oo warbixin Qoto-dheer ka Diyaariyey Hannaanka Maamul iyo Dimuqraadiyadda Somaliland

Maxamed Cabdilaahi

Washington  (SLpost)- Warbixin hay’ada CIA, ee 2013 ayaa lagu sheegay in Somaliland, oo bedkeedu dhan yahay isugeynta gobolada Virginia iyo West Virginia, ku naaloonayso xasilooni degan, dedaalna ugu jiraan sidii ay u horumarin lahaayeen nidaamkooda dimoqraadiga ku dhisan.

Jariidada oo shalay wareysi la yeelatay wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/lahi Cumar, ayaa ku bilowday sidan:

Dalkan dimoqraadiga xasiloon waxuu ku yaalaa hadhka Soomaaliya, goob colaado iyo mushkilado argagxiso hafiyeen, Geeska Afrika.

Waxay abuurteen xukuumada iska leh dastuurka Maraykanka oo kale. Dadka ku noolna waxa lagu qiyaasaa ilaa 3 Milyan iyo badh, halka sidoo kalena ay u dhoofiyaan ilaa 4 milyan oo neef, sannad walba macmiilkooda ugu weyn, Sacuudiga.

Waxay qabsadeen doorashooyin,  isla markaana madaxweynahii laga guulaystay waxuu si nabadgelyo ah xilkii ugu wareejiyey mucaaradkii.

Dr-Maxamed-CabdilaahiBalse, muuqaaladaa dhamaantood tilmaamaya dalnimada, Somaliland, weli aqoonsi la’aan ayey ka taagan tahay dhamaan wadamada Aduunka. Waa jaarka Soomaaliya, ee ku soo jirtay colaado iyo abaaro 22 sannadood u dambeeyey, halka Somaliland si xasiloon u abuuratay nidaam dimoqraadi shaqeynaya.

“Waa tusaale gobolku ku deyan karo,” ayuu u sheegay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr, Maxamed C. Cumar, jariidada Washington Times dhowaan.

Booqashada Washington ee Madaxweynaha Somaliland, Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) iyo wefdiga la socda ayuu Wasiir, Maxamed ku sheegay ujeedadiisa inay masuuliyiinta Maraykanka xog buuxda ka siiyaan horumarka Somaliland gaadhay, iyo ka ololeynta aqoonsi laga helo Maraykanka.

Waxuu sheegay in wadamo badan oo qaarada Africa ‘hakinayaan aqoonsigooda” ilaa wadamada reer Galbeedku u bilaabaan.

” Aqoonsiga Somaliland ma jiro sharciyan wax diidaya, keliya, waa siyaasad,” ayuu raaciyey.

Soomaaliya, ayaa ka abuurantay sannadkii 1960-kii midowgii labadii dhinac ee Ingiriiska iyo Talyaaniga maxmiyada u ahaa. Maxamed Cumar, ayaa sheegay in hadafku markaa ahaa sidii loo heli lahaa shantii Soomaaliyeed.

Hadafkaasi wuu guuldaraystay. Markii xukunkii ay afgembi kula wareegeen ciidamada, oo keli-taliyahii Siyaad barre hogaaminayey, ilaa laga tuuray xukunka 1991. Soomaaliya waxay isu rogtay dal kala dambayntii luntay, oo argagaxiso iyo budhcad badeed ka abuurmeen. Isku-deyo milateri iyo mid bani-aadminimo badan ka dib, waxa ka soo muuqatay xasilooni kooban Soomaaliya, oo maxadweyne iyo baarlamaan lagu doortay.

Somaliland, dhinaca kale, waxay madaxbanaanidoodii ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii, halkaa oo labaatankii sannadood ee u dambeeyey ku dhisanayeen xukuumado kala duwan, samaytayna dastuur sida ka Maraykanka ah, oo leh madaxweyne, laba gole, iyo waax garsoor madaxbanaan. Waxaanay doorashooyinkoodii ugu horeeyey ee xisbiyada badan ku tartamaan qabsadeen sannadkii 2003.

Warbixinta hay’ada CIA, ee sannadkan ayaa lagu sheegay in Somaliland, oo bedkeedu dhan yahay isugeynta gobolada Virginia iyo West Virginia, ku naaloonayso xasilooni degan, dedaalna ugu jiraan sidii ay u horumarin lahaayeen nidaamkooda dimoqraadiga ku dhisan.

Mr. Maxamed Cumar, ayaa sheegay sababta keliya ee hortaagan aqoonsi caalami ah tahay, aqbal la’aanta Soomaalida in midowgii fashilmay.

Somaliland ayaa kala shaqeysa beesha caalamka la wadaagida macluumaadka hawlgalada argagxisadu ka wadaan gobolka.

“Somaliland waa saaxiib dhow, la-dagaalanka argagaxisada, markay timaado,” ayuu yidhi Dr. Cumar, isagoo raaciyey, mana jiraan dad taageera argagxisada oo dalkooda jooga.  “Somaliland, waa dimoqraadi, dal Muslim ah oo ku yaal gobol argagaxisadu saamaysay.”

Inkastoo, Somaliland aan rasmiyan loo aqoonsan, inbadan oo wadamada caalamka ayaa xafiisyo ku leh caasimada Hargeysa. Somaliland, waxay sidoo kale soo jiidanaysaa maalgashedayaal dibadeed, sababaha keydadka shidaalka iyo gaasta.

Wasiirka Arrimaha dibedda, Dr. Maxamed Cumar, ayaa khamiistii kulan la yeeshay, kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibedda, dhinaca siyaadasa Wendy Sherman, oo ah qofka saddexaad ee ugu sareeya wasaaradda Arrimaha Dibedda, halka Madaxweyne Siilanyo, horaantii wiiga khudbad dheer ka jeediyey xarunta Atlantic Council.

“Booqashadu ilaa wakhtigan, guul ayaan ka gaadhnay,” ayuu, Dr. Cumar, raaciyey.