Jarmalka Oo ku Baraarugay In Malatariga Dalkiisu Aanu Difiici Karin iyo 119 Bilyan Oo Yuuro Oo Lagu Xoojinayo Hada

Berlin(SLpost):- Dawlada Jarmalka ayaa boqolaal iyo sagaal iyo toban Bilyan oo Yuuru, u qoondaysay dhismaha ciidamada dalkaas, kuwaas oo tayo xumo iyo hoos u dhac wayni ku habsaday todobaatankii sanadood ee ugu danbeeyay, warbixin dhawaan laga soo saarayna cadaysay in aanay difaaci Karin dalkooda.

Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Jarmalka ayaa sanad ka hor loo soo gudbiyay warbixin cadaynaysa in awooda milatariga ee dalkaasi gaadhay heerkii ugu hoosaysay, waxaana lacagta miisaaniyada milatariga lagu kabay, lagu xoojin doonaa qalabka iyo awooda milatari ee dalkaas.