Jarmalka oo celiyay 125,000 oo qaxooti

Jarmalka(SLpost)-Masuuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in boqol iyo labaatan iyo shan qof ay ku soo noqdeen Kabul, kadib markii dowladda Jarmalka ay u diiday inay siiso sharci qaxooti.

qaxoonti

Masuuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in dadka ay iskood ugu soo noqdeen waddankooda. Horaantii, Wasiirka arrimaha gidaha ee Jarmalka, Thomas de Maiziere ayaa sheegay soo noqoshada dadka inay muhiim u tahay dib u dhiska waddanka.

Dowladda Jarmalka ayaa rajaynaysa dadka la celiyay inay tusaalo u noqoto dadka reer Afghanistan inaysan imaan Jarmalka.

Dadka Afghanistaanka ayaa ahaa dadka labaad ee ugu badan ee halka milyan oo qof ee Jarmalka magangalyo waydiistay 2015-kii.