Japan oo Ruushka ka dalbatay heshiis nabadeed

Japan(SLPost)-Rai’sal wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayaa madaxwaynaha Ruushka Vladamir Putin ugu baaqay wadahadal si ay heshiis nabadeed u saxiixdaan labadaasi dal.

Labadan dal waligood may kala saxeexan heshiis ku aadan afar jasiiradood oo ay isku hayaan. Abe wuxuu saxafiyiinta u sheegay in labada masuulba ay garwaqsadeen in aysan caadi ahayn in aan 70 sano wax heshis ah la samaynin.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Abe, 2012 wuxuu isku dayayay in uu wanaajiyo calaaqaadka ay Moscow la leeyihin. Midawgii Soviet ee hore ayaa qabsaday dhawr jasiiradood oo ay Japan ku sheegto dhulkoodii waqooyi ee sanadkii 1945. Ruushkuna waxay ugu yeeraan Koonfurta Kurils.

Markii u dambaysay ee ay labada hogaamiye kawada hadleen xaaladdan waxay ahayd sanadkii 2013.