Khasaaraha ka dhashay iyo Tirada Dadka ku barakacay Daadad ku dhuftay Dalka Japaneelay

150910152005_japan_floods_624x351_gettyJapan (SLpost)- Daadad xoog leh oo ku dhuftay Japan ayaa ku qasbay in ka badan 90-kun oo qof inay ka baxaan guryahoodi. Sawirro la yaab leh oo ka yimid magaalada Joso ee waqooyiga Tokyo,ayaa muujinaya dadka oo kor fuulaq saqafyada sare ee guryaha iyadoo biyuhu ku hareereysan yihiin. Guryo iyo baabuur ayaa daadadku xaaqeen gabi ahaan.

Takuya Deshimaru oo ka tirsan Waaxda saadaasha hawada ee Japan, ayaa sheegay in aanay abidkood arag roobab sidan u xoog badan.

Magaalada daadadku khasaaraha ba’an gaadhsiiyeen ee Joso oo masaafo 35 Mayl ah dhinaca Woqooyi kaga beegan Caasimadda Tokyo, waxa sidoo kale inay guryahooda ka guraan loogu baaqay in ka badan 800,000 qof.

Hawl-wadeennada gurmadka deg-degga ah ee dalkaas oo kaashanaya ciidamada Qalabka sida, ayaa ka hawl-galay sidii ay u samato-bixin lahaayeen dadweyne badan oo ku xayirmay guryahooda, sida laga arkayey muuqaallo ay baahiyeen telefishannada dalkaasi.

Ma jiraan khasaare nafeed oo la soo weriyey in daadadku geystaan, balse waxa jira khasaare baaxad leh oo soo gaadhay deegaamo fara-badan, iyadoo la arkayey dhismayaal tiro-badan oo daadku la tageen.

A man wades through a residential area flooded by the Kinugawa river, caused by typhoon Etau, in Joso, Ibaraki prefecture, Japan, September 10, 2015. REUTERS/Issei Kato

Waddanka Japan oo xoogga saaray gurmadka ka hor-tagga Aafooyinka dabiiciga ah wixii ka dambeeyey Dhul-gariirkii iyo butaacooyinkii biyaha Badda (Tsunami) oo ay ku dhinteen ugu dhowaan 20,000 oo qof, waxaanay masuuliyiinta dalkaasi Isku-dayayaan inay ka hortagaan fadeexaddii ay kala kulmeen u diyaar-garow la’aanta dhacdadaas hore. Waxaana la sameeyey Xarun  gurmadka laga hago.

Raysalwasaaraha dalkaas oo kulan jawaab u ah wax-qabashada dhacdadan la yeeshay golihiisa wasiirrada, ayaa sheegay in roobabku xaalad deg-deg ah ka abuureen dalkiisa, loona baahan yahay sidii wada-jir looga hawl-gali lahaa khasaare baaxad leh oo masiibadan ka dhasha.

Marka laga yimaaddo cabsi laga qabo khasaare baaxad leh oo ka dhasha fatahaada Webiyadu keenaan, waxa kale oo cabsi xooggan laga qabaa inay dad badani u dhintaan Dhulka, Buuraha iyo Godadka hoos u go’a kaddib marka ay Carradu jilicdo saacadaha badan ee roobabku ku da’ayaan awgeed.