“Jamhuuriyadda Somaliland waxba kama Khuseeyaan Heshiisyada Dawladda Soomaaliya la gasho cidda ay danaynayso”

WAR-SAXAAFADEED

September 7, 2015

Wararka sheegaya in heshiiska ay Soomaaliya la gashay Shirkadda SPECTRUM ASA uu yahay mid Somaliland soo galinaya sahamintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Meelna kagama jirto heshiiskaas in sahamin shidaal laga sameeyo meelo ka mid ah xuduudda dhuleed iyo ta badeed ee Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku timid codka shacabkeeda oo 97% ugu codeeyay dastuurka Somaliland iyo madaxbannaanida dalkeeda. Xukuumadda Somaliland iyada ayaa ku filan, awood aan la tarraxinna u leh, bixinta liisannada la xidhiidha shidaalka iyo macaadiinta bad iyo berriba inta xuduudaheedu ku siman yihiin.

Heshiisyada ay dawladda Muqdisho la gasho shirkadaha ajaanibka ahi ma aha wax u yaalla Jamhuuriyadda Somaliland, mana jirto cid awood u leh inay liisan la’aan ku soo gasho xuduudda dhuleed iyo ta badeed ee Somaliland. Waxa se wax lala yaabo ah in qaar ka mid ah saxaafadda maxalliga ahi marka ay arkaan war khuseeya Soomaaliya ay iska jeclaystaan inay ku ladhaan meesha ugu dhow ee ay isku shaqo noqonayaan ama wasaaradda ay isku magaca yihiin.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Somaliland waxay si feejignaan leh uga war haysaa xuduudda dhuleed iyo ta badeed ee dalkeeda, taas oo ilaalinteedu tahay waajib qaran oo aan marnaba laga leexan karin.

Allaa mahad leh.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macadanta Jsl

Maxamuud Askar