Jamhuuriyadda Jabuuti oo Ciidamo dheeraad ah ku biirinaysa Hawl-gallada AMISOM ee Soomaaliya

Djibouti (SLpost)- Jamhuuriyadda Jabuuti oo qayb ka ah waddamo ka tirsan Qaaradda Afrika oo qayb ka ah hawl-galka xoogagga AMISOM ku jooggaan dalkaasi Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay ciidamo dheeraad ah oo ku kordhinaysa kuwii hore uga joogay dalka Colaaduhu regaadiyeen ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Md Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in ay dhowaan 950 Askari oo laba weji loo kala saarayo u diri doonaan dalkaasi Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada kaga sugan dalkaas oo ka hawl-gala gobolka Hiiraan ee badhtamaha dalkaas.

_Ciidamada Jabuuti“Waxaanu diyaarinay ciidamo dhawaan la geyn doono Soomaaliya. Marka hore waxaanu u diri doonnaa 450 askari, laba bilood kadibna, 500 oo kale ayaanu u diraynaa,” sidaa waxa yidhi Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti.

Ciidamada Cusub ee Jabuuti diyaarinayso, ayaa tirada ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ay ka hawl-galaan ka dhigaysa 1,950 Askari marka ay gaadhaan dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Jabuuti oo ka hadlay ujeeddada wakhtigan ku soo beegtay ciidamo dheeraad ah oo ay u diraan Soomaaliya, waxa uu xusay in ay dawlad ahaan ka go’an tahay in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Kooxda Al-shabaab oo uu ku sheegay in ay dhibaato ku yihiin nabad ka dhalata Soomaaliya.

“Ujeeddada aan ciidamadan u dirayno waa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kuwa nabadda diiddan, waxaananu ciidamadeenna iyo kuwa kale ee AMISOM ku ammaanaynaa dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay nabd ku noqon lahayd,” ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti ayaa xusay inay xoojiyaan ammaanka dalkooda, kaddib weerar is-miidaamin ah oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo bishii May ee sannadkan ka dhacay magaalada Jabuuti, kaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay.

“Amniga Jabuuti waan ka adkeynaynaa sidii hore, cid walba oo aan saaxiib nahay waan la kaashanaynaa xogaha ku saabsan kooxda halista ah ee Al-shabaab, si aanay dhibaato kale uga geysan halkan,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dalka Jabuuti ayaa ka mid tahay lix waddan oo Afrikaan ah oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dowladda taagta daran ee Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiro Kooxda Al-shabaab.