“Jamaal Waanu Sharafnay Wax Allaale Wax uu soo Kordhiyayna ma Jirto” Guddoomiyaha UCID

 

SLpost- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u naqdiyay Guddoomiyaha xisbiga WADDANII, ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku sifeeyay  inuu yahay shakhsi abaal laawe ah.

Faysal Cali Waraabe  waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda  BBC-da,  isaga oo ku sugan dalka Angola, waxaanu sheegay in guddoomiye Cirro u soo raacay dawlado shiisheeye oo aanu magac dhabin, si loo  burburiyo xisbiga UCID.

“Xisbigan UCID qaranka ayaan u sameeyay, Cirro isaga ayaa igu kibray, isaga oo aan la aqoon ayaan Somaliland dusha ka saaray ilamuu shaqayn, tolkiina cod imuu siin. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ii soo raacay waddamo shisheeye, si loo burburiyo xisbiga UCID,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu naqdiyay murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.  “Jamaal waanu sharafnay wax allaale wax uu soo kordhiyay ma jirto. Saddex sanno ka hor ayaan nidhi murashax ayaad tahay, xisbigu wuu eegayaa cida murrashax u noqonaysa,”ayuu ku dooday Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay in ay qiimayn ku samayn doonaan cidda u qalmaysa in ay xisbiga u tartanto, waxaanu yidhi “Facebook-na layskuma sharaxo, waxaanu xisbigu u baahan yahay tacab, markaa  tacab uu geliyayna ma jiro, waana qiimaynaynaa xisbiga. labadaa nin waanu sharaxnay haddii aanu sharaxnayna wakhti ayay ahayd imikana wakhtigu waa is bedalay, Salaad walbana wakhtigeeda ayaa la tukudaa, markaa waa qiimaynaynaa qof kasta oo madax ahna waa la qiimeeyaa.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in uu ilaaliyo wixii danta Somaliland ah waxaana uu yidhi “Xisbiga qofkii hore ugu jiray iyo kii soo galay-ba waa la qiimaynayaa. Anigu qof ma wato, dacayadahaas socdana ma aqaano.”

 

Somalilandpost.net