Jamaal Cali Xuseen oo taageerayaasha xisbiga UCID ugu baaqay inay ka Qayb qaataan qaadhaanka Dhismaha Maktabadda Qaranka

Hargeysa(SLpost) Musharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu ku tilmaamay umadd aan Maktabad qaran lahayn inay qaranimadoodii wax ka dhiman tahay,isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay ka qeybqaataan qaadhaanka loo uruurinayo dhismaha Maktabada qaranka Somaliland (Somaliland National Library).

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka codsaday taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID meelkasta oo ay joogaan inay ka soo qeybqaataan qaadhaan uruurinta dhismaha Maktabada Qaranka Somaliland  115% FONT-FAMILY Arial Narrow´,´sans-serif´” Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay mar uu caawa ka hadlayey Munaasibad qaadhaan loogu uruurinayey dhismaha Maktabada Qaranka Somaliland oo lagu qabtay Huteelka Maansuur ee Magaalada Hargeysa.

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya qiimaha ay umadda u leedahay Maktabada wax akhrisku,ayaa waxa uu yidhi “Umad aan lahayn maktabad qaran  (National Library) waxay ku tusinaysa inay qaranimadoodii wax ka dhiman tahay,jaamacadaha dalka oo imika fara batay waxaan is-leeyahay waxa ka dhiman uun xawaashkii macaanaynayey tacliintaa ardeydu baraneyso maktabad ay ardeydu cilmi-baadhis ama aqoon korodhsi ku sameeyaan ayaa innaga dhiman”.

jamaal maktabada

 

“Jaamacad bilaa Maktabadii (Library) waxay ka dhigan tahay guri qurux baddan oo bilaa Furniture-na. Waxa loo baahan yahay inay Somaliland ka hawl-gasho qaadhaan uruurinta dhismaha Maktabada qaranka, oo ay inoo noqoto arrin qaran,annagu haddii aanu nahay Xisbiga UCID ah taageero xoog leh ayaanu siinaynaa barnaamijkan caawa qaadhaanka loogu uruurinayo dhismaha Maktabada qaranka, taageerayaashayadana waxaan ugu baaqaynaa meelkasta oo ay joogaan Caalamka inuu qof waliba uu ka qeyb-qaato, annaga waxaanu bixinaynaa $3,000 (Sadex kun oo Dollar)”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Maktabadu waa shay loo baahan yahay, markaa waxaan leeyahay aynu kuligeen aynu taageerno qaadhaanka dhismaha Maktabada qaranka Somaliland, Xisbigayaguna (UCID) haday noqoto waddo iyo haday noqoto barnaamij kale oo waddanka lagu horumarinayo waanu taageeraynaa”

Md.Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku hambalyey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay bixisay dhulka laga hirgelinayo dhismaha Maktabada qaranka Somaliland, “Xukuumadda waan ku hambalyeynayaa inay bixiyeen dhulka laga dhisayo Maktabada qaranka Somaliland,$100,000 (Boqol kun oo Dollar) way yar tahay marka laga hadlayo $1800,000  (hal Million iyo Sideed boqol oo kun oo Dollar),baayacmushtarigana laga doonayo $600,000 (Lix boqol oo kun oo Dollar), dawladii Somaliland way ku yar tahay Boqol kun oo Dollar ee waxaan leeyahay waar bal jeebada dib ugu noqdoo  kiishka ka soo saara si aynu maktabada qaran u dhisano. Waxaanan leeyahay Waddooyinka iyo waxkasta oo dalka lagu horumarinayo ha laga qeybqaato”.

Somalilandpost.net

Hargeysa