Jamaal Cali Xuseen oo saluug ka muujiyey Jawaabta Madaxweynuhu ka bixiyey Tabashooyinka Madaxda Dhaqanka Awdal ka tirsanayaan Xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay tabashooyinka Madax-dhaqameedka gobollada Awdal iyo Selal u gudbiyeen madaxweynaha iyo jawaabta uu madaxweyne Siilaanyo kaga dareen-celiyey wax-ka-qabasashada tabashada xukuumaddiisa laga tirsaday.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkan magacaabay guddi Wasiirro ah oo uu u wakiishay daraasadaynta tabashooyinka Beesha gobolka Awdal oo saluugsan saami-qaybsiga ay ku leeyihiin xilalka hay’adaha dawladda.

jamaalAqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu ka hadlay nidaamka xukuumaddu u qorshaysay inay u maamusho diiwaangelinta Madaniga ah iyo codbixiyeyaasha oo axsaabta mucaaradku shaki weyn ka muujiyeen inay u qabsoomaan sidii lagu heshiiyey.

Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID, waxa uu qodobbadan iyo Arrimo kale oo xaasaasi ahba kaga hadlay Mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey Xafiiska Guud ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa