Jamaal Cali Xuseen Oo Markale Sheegay Inaanay Aqoonsan Doonin Xukuumadda Wixii Ka Dambeeya 27 July

Hargeysa. (SLpost)- Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in lagu tuntay shuruucdii dalka isaga oo farta ku fiiqay in labada gole Baarlamaan ay sharci darro ku fadhiyaan sida oo kalena xukuumadda hada jirta uu wax yar ka hadhsan yahay wakhtigeedii, waxaana uu carabka ku dhuftay in madaxweyne Siilaanyo aanu dalka cidka ka xigin  marka la gaadho 27ka Juun ee sannadkan, waxaana uu tilmaamay in ay ka mucaarad ahaan iskaga iman doonaan talaabada ay qaadayaan maalintaasi.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey  talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu sida oo kale yidhi. “Annagu hore ayaanu u sheegnay, waxan shacabka ayaa iska leh, annaguna shacabka ayaanu matelnaa haddii aanu xisbiyada mucaaradka nahay, shacabku danta ay doonayaan ayaanu samaynaynaa annagu oo haddii ay shacabkayagu yidhaahdaan waxayaga waa nala duudsiyey ee na horkaca, waanu horkacaynaa, laakiin shacabka waxaan ognahay in dareenka maanta dalka ka jiraa uu yahay mid aad u kacsan, dawladana waa ay ka badbadisay imikana dhibaatada jirta waxa weeye sharciyaddii dawladnimada ee dalka ayaa lagu tuntay, waxaa aynu maraynaa Guurti bilaa sharci ah, Baarlamaan bila sharci ah iyo dawlad ay in yar ka hadhsan tahay sharciyadeedii oo 27Julay waxii ka danbeeya Siilaanyo nina kama xigo dalka heshiis ayaa la siiyey intaas ayuunba la doortay, waxa weeye haddii uu ku guul daraystay maaha micnaheedu aniga ayaa khasab ku sii haysanaya sababta oo ah waxaa aynu ognahay in aanu samayn karayn, waar ma nimanka heshiiski yaraa ee iyaga mudada loogu kordhinaayey ee caalamka iyo cid waliba ay ogeyd cid walba carqaladeeyey ma waxa ay idin la tahay in ay doorasho samayn karayaan anigu runtii ma aamin sani in nimankani ay yihiin niman doorasho diyaar u ah in ay yihiin ee shacabka Somaliland waa in ay diyaar garoobaan.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu walaac ka muujiyey in xukuumadda hada talada dalka haysaa ay hirgaliso doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaana uu yidhi:

“Adigu bal ka waran nin aad shaqaale u qoratay oo adiga ku hanjabaya oo ku leh khasab igaga qaadi maysid ee oo ku leh ninkii shaqaalaha ahaa ee qortay, horta ha oggaadaan in aan nina xoog waxba ku haysan karin oo taariikh ayaa aynu soo marnay e’ oo waad xasuusataan waxii ku dhacay dawladihii hore Somalida ee diyaaradaha iyo hubabka waaweyn lahaa ayaa haddii uu shacabku gadoodo oo uu kaco waa mawjad oo cid fadhiisin karaysaa ma jirto dawladuna taas nafta ha u sheegto annaga samirkii waa uu naga soo yaraaday haddii aanu xisbiyada mucaaradka ah aanu nahay ma aragno oo meeshaas waxba kama soo jeedaan dawlad doorasho doonaysa oo sharci ku shaqaynaysa oo xalaal ah annagu ma aragno, talaabadeedana waan isaga imanaynaa oo talo ayaan ka gaadhaynaa, shicibku waxa uu doonayo ayaana aanu yeelaynaa in haddii aanu Taxriir samaynayno iyo in kaleba”.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaa ugu danbeyntii uu cambaareeyey dhaawac ay dhawaan ciidamada ilaalada madaxtooyadu soo gaadhsiiyeen xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay wax ugub ku ah Somaliland.

“Waxa socda waad arkaysaan in nin xidhibaan ah oo xasaanad leh ayaa madaxtooyada dhexdeedii lagu garaacay, waa wax ugub ku ah Somaliland, waa wax aynaan arag, Baarlamaankii oo laftarkiisu aan ilko lahayn oo aan ka dagaalamayn oo aan ka damqanaynba oo waxaa ay ahayd in inta ay dadka isku yeedhaan ay madaxweynaha xilka ka qaadaan, laakiin Baarlamaankii waxaa uu noqday mid ku shubasho ah”.Ayuu yidhi Mudane Jamaal Cali Xuseen.