Jamaal Cali Xuseen oo Kali-talisnimo ku tilmaamay go’aanka xukuumaddu ku bilowday Diiwaangelinta Madaniga ah oo aan sharciyaddeeda la xalaalayn

Waxa uu si adag u cambaareeyey xadhig ciidamada ammaanka ee gobolka Gabiley kula kaceen xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, kaas oo uu sheegay in sifo khaldan loo maray xadhiggiisa

Hargeysa (SLpost)- Murshaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sharci-darro ku tilmaamay qaabka ay xukuumaddu u gudo-gashay bilowga diiwaangelinta Madaniga ah oo maalintii Khamiista ee todobaadkii hore si tijaabo loogu bilaabay Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, taas oo uu ku sababeeyey dhammaystir la’aan qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta ee aanay Golaha Wakiillada weli ansixin.

Jamaal Cali Xuseen oo Kali-talisnimo sharci-darro xambaarsan ku tilmaamay tallaabada xukuumaddu ku bilowday Diiwaangelinta Madaniga ahMurashaxa madaxweynaha ee UCID waxa kale oo uu ka hadlay isla markaana si adag u cambaareeyey xadhig ciidamada ammaanka ee gobolka Gabiley kula kaceen xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, kaas oo uu sheegay in sifo khaldan loo maray xadhiggiisa, waxaanu ku hanjabay inay xisbi ahaan tallaabo jawaab ah xadhiggiisa ku dhaqaaqi doonaan haddii aan si deg-deg ah xorriyaddiisa loogu soo celin.

Jamaal Cali Xuseen oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu kali-talisnimo ku tilmaamay bilowga diiwaangelinta Madaniga ah ee xukuumaddu bilowgeeda guda-gashay iyada oo aanu jirin xeer la anisixiyey oo xalaaleynaya fulinteeda.

HALKAN KA DAAWO