Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Warar Soo Baxay oo Sheegayay Inuu Ka Tanaasulay Musharaxnimadii Ucid

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa xisbiga mucaarakda ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar uu sheegay in ay ka faafisay jariiradaha dalka ka soo baxa mid ka mid ah.

Waxa uu cadeeyay in aanu ka tanaasulin musharaxnimadiisa, sida oo kale waxa uu ka hadkay wadahadal u furmay garabkii isbahaysiga ee Kulmiye “Gartay inay dacaayado Hore iga qortay, laakiin beentii Adduunka Ugu weyneyd bay sheegtay imika OO waxay tidhi Jamaal Cali Xuseen baa ka tanaasul ay hankiisii oo qof kale ayaabu ku casumayaa, Ilaahay baan idinku qaarshee kuwa waxaasi soo qoray Ee Beenta intaasi Le’eg doonayaa inay Ummadda ka iibiyaan waxay la mid yihiin qolyihii berigii Hore sawirkii filimka la wareegi Jiray Ee xayeysiiska dadka Beenta Ugu sii yara dari Jiray. Magaca Foore ayaa runtii ku khasaaray. Shacabka waxaan u sheegayaa in jariirada Foore la yidhaa waa been la iibinayo Ee ha iibsanina sideedaba.”

Musharax Jamaal Oo ka hadlaayay wadahadal u furmay Kulmiye Waxa uu yidhi”Nimanka Isbahaysiga Kulmiye qaar ka mid ah Hore ayaanu u wadahadalnay Aniga Gaar ahaan, qaarkoodna telefoon baan kula soo hadlay waananu Soo dhaweynaynaa, inshallah markaan dhawaan imaadaa waanu wadahadli. Xisbigana dad tiro badan baa danaynaya inshallah waana muhiim in xisbigga la dhiso Gaar ahaan hogaanka sare oo qabyo ah, qof kasta oo daneynaya xisbigga waanu Soo dhaweeynayna inshallah Aniga dhawaan waan imanayaa, Ee dacaayadihii awalba ay fidin jireen qolooyinkan aanu tartamaynaa ayuun bay tani ka mid tahay si loo niyad jabiyo taageerayaasha xisbigga oo in badan Foore loo soo adeegsan Jiray.”