Jamaal Cali Xuseen Oo Boobqaran Ku Tilmaamay Qaabka Xukuumaddu Ay U Wareejinayso Haamaha Shidaalka

 

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa madaxweyne ee xisbig Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa boobkii ugu cuslaa ku tilmaamay qaabka loo wareejinaayo haamaha shidaalka ee Barbera.

waxa uu musharaxu xukuumadda ku eedeeyay in shirkadaha u tartamaaya la wareegida haamaha shidaalka ay badh ku leedahay, waxaanu sidan ku baahiyaya barkulanka Facbook, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan “Xukuumadda Kulmiye waxay ku tallo jirtaa inay iibiso Oo wareejiso Haamihii magaaladda Berbera. Waxay damacsan tahay inay ku wareejiso 6 shirkadood OO 3 Ka mid ay leeyahiin dadka madaxtooyada ka talliya laftigoodu sida ay wararku xaqiiji ayaan. Shirkadaha aanay iyagu lahayn waxay ka qaadanyaan US$ 2 million midkiiba. Tani waxay ka mid tahay boobkii Ugu waalnaa xukuumad wakhtigeediii SII dhamaanayo. Kolay dhawaan waxaan soo bandhigi doonaa daraasad ka hadlaysa Haamaha Iyo sida Loogu takrifalay Iyo boobka lala damacsan yahay Iyo sidii TOTAL looga qaaday. Kuwa hantidda Ummadda iibinaya Ee Siilaanyo Ugu horeeyo waxa ka SII waalli Badan kuwa iibsanaya. Waa inoo Iyo Soo bandhigidda daraasadka Haamaha.”

jjj1