Jamaal Cali Xuseen iyo Garab ka tirsan UDUB oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga UCID iyo nuxurka Heshiis la kala saxeexday

Hargeysa (SLpost)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Hoggaaminaya Garabka ka tirsan Xisbiga UDUB, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray isla markaana heshiis la saxeexday Xisbiga UCID.

Munaasibad aad u balaadhan oo lagu shaaciyey murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen iyo Heshiiska labadda dhinac. ayaa maanta lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, waxaana garabkan iyo xisbiga UCID kala saxeexdeen heshiish ah in golaha dhexe ee xisbiga UCID si siman u qaybsaman labada dhinac, in musharaxa madaxweyneha ee xisbiga UCID uu noqdo Jamaal Cali Xuseen, in guddoomiyaha xisbiga UCID uu ahaado Eng. Faysal Cali Waraabe, in shirweyne gole dhexe oo aan caadi ahayn la qabto, in gudoomiyeyaasha laamaha iyo garabyada uu xisbigu ka kooban yahay ay si siman u qaybsadaan, in musharaxa madaxweyne ku xigeenka ay labadda dhinac ka wada tashadan ciddii noqon lahayd iyo in gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga uu noqdo garabka Jamaal Cali Xuseen.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhoweeyey ku soo biiritaanka Jamaal Cali Xuseen iyo garabkiisa, waxaanu sheegay in xisbiga la dardar galin doono, isla markaana dhiig cusub lagu shubi doono maadaama oo uu muddo badan soo hogaaminayey, xisbiguna u baahday dhalinyaro cusub oo hogaanka u qabata.
Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay musharaxa madaxweyne u noqon doono xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo sheegay markii xisbigoodii uu muran ka bixi waayey uu door biday inuu xisbiga UCID usoo wareego, isla markaana aqoontiisa iyio kartidiisa ku soo biiriyo xisbigan UCID oo uu sheegay inuu u arko xisbi mar walba u taagan badbaadinta Somaliland, markasta oo khilaaf soo kala dhexgalo siyaasadda hormood ka noqdo inuu tanaasulo, sidaa darteed uu isna ka soo tanaasulay xisbigii UDUB ee uu ka mid ahaa ka dib markii uu khilaaf ka soo bixi waayey xisbigu.
Jamaal Cali Xuseen ayaa hore xisbiga UDUB gudihiisa isku soo taagay musharax madaxweyne, taasina waxay keentay in xisbiga la isku qabto laba garabna u  kala jabo, isla markaana maxkamadda la isla galo, iyadoo maxkamadda dastuuriga ahina u xukuntay gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, taasina ay keentay in hamigiisii uu ku doonayey inuu musharasx madaxweyne noqdo uu socon waayey, balse heshiishkan cusub ee xisbiga UCID loogu ogolaaday inuu musharax madaxweyne ka noqdo la siiyey.
Sidoo kale, xafladan lagu soo dhoweynayey musharaxan xisbiga UCID ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin magac ku leh Somaliland, madax dhaqameedyo ka kala yimid gobolada Somaliland, dadweyne aad u badan iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay taageersan yihiin musharaxan cusub, iyagoo sheegay in xisbigii UCID noqday UCID cusub oo ay gadhwadeen ka noqon doonaan siyaasiyiin aad u da’yar.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net