Jahowareerkii Odayga Iyagaa ka dambeeyey!‏

 

Cali Xoriyo:   Helo…….;  Eddo ,  Alxamdu-lillaah,  maalintii dhaweyd ee madaxweynuhu hadlaayey aad   iyo aad baan ugu farxay ,  waayo ,  isaga oo aan sidan warqadii yarayd ayaa waxa uu u qudbadaynayey sidii baryo baryo………!

Marwo Khadija:       Eddo, Cali aad baad u mahadsan tahay sidaad wax walba ula socoto ee aad noola soo hadlayso way fiican tahay,  Eddo Odaygiiba waa la dawakhiyeyn oo  raxantan madaxtooyada ka dareertay ayaa jahawareerisay  oo mid baa odhan jiray warqada ka eego , midkale ayaa odhanaya dusha hakasii xafido ee seddex layn usii dhiga. Mid seddexaad ayaa odhanaya laba layn  FAR-WAAWEYN halooga sii dhigo…………

Cali Xoriyo:  Eddo , Hello……, Helloooo, maad I maqlaysaa ,  eddo…, sidaasi waa wareer e ujeedadoodu maxay ahayd? Illeen waakan haddaba billaa warqad ku qudbadeynayea e .

Marwo Khadiija:  Eddo cali,  shaki wayn ayaan qabay in badana ma hadashaa ayaan is odhan jiray.  Calashaan dhibaatada ay ku hayaan , markii hore waxaan moodi jiray inay nasteex u yihiin madaxwynaha balse ……………..

Cali Xoriyo:  Eddo…. , waxaan kuu sheegayaa Raxantaa iscasishay 5 taa sanno waxay ahaayeen kudlad isku xidhan , dagaal ayay ku jireen, oo ay kula jireen Mujaahidka Hormoodka u ah Xisbiga , si ay taasi ugu hirgasho waa inay hogaaminta Qasriga gacanta ku dhigaan oo ay Madaxweynaha ASQO ka dhigaan.

Marwo Khadiija:  Laba nin ayaa Odayga dawakhin jiray waa Owgaab iyo Dilla .

Cali Xoriyo:  Labadaa aad sheegtay waxay waliba usii dheereyd inay ahaayeen labada shakhsi ee ugu neceb gudoomiyaha kulmiye.

Marwo Khadiija:  Eddo; cali illaahay ayaa naga dulqaaday sidaa hanagu dhaafaan ;  UCID ha isku shubaan kolay Wadani aqbali maayo e.

Cali Xoriyo:  Eddo , Khadija waxaa jira kooxo qoladan ay isku xidhnaayeen xulafona ay ahaayeen dagaalka shantaa sano ay kusoo wada jireen  kuwaas oo madax ka ah qaar kamid ah hayadaha madaxa banana balse aan iyagu is casilin.  Mid aan islahaa ka hadhi maayo kooxdaa iscasishay oo aan isha ku hayay oo aan sugaayey marka uu iscasilo in aan bedelo. Nacayb shiyihiisa uu u qabo gudoomiyahana uu aad u fogaa … Kuwaas maxaad umalayn eddo inay uga hadheen ……….!

Marwo Khadiija:  Eddo; waxaan filayaa kolay waa BASAASIIN ay inagaga dhex tageen waynu u jahayn , inagaana ka daba gayn , horta Shirku ha ina dhaafo maalin ayaa inaga xigto e .

 

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media

Hargeysa /Somaliland