JACAYLKII HORE MISE JACAYLKA IMIKA! –

Ma ila aragteen dad badan oo aaminsan sidan: “Jacaylka dhabta ahi waxa uu qofka soo maraa mar kaliya. Haddii uu u fiicnaado waxa uu helaa wanaagyada uu wato, balse haddii uu jacaylka koobaad ka xumaado weligii ma illaawo, weyna adagtahay sidii uu jacayl labaad u yagleeli lahaa haddii kale ugu abuurmi lahaa!”

Waa hadal ay in badan isugu sheekeeyaan dadku iyaga oo aaminay in uu jacaylku ku abuurmo qofka hal mar, wixii intaa ka danbeeyana aanay is arag jacayl la mid ah kii hore oo kale. Balse su’aashu waxa ay tahay, jacaylku ma marka ugu horreysa ee uu kugu dhaco ayuun baa mise waa uu dhacaa mar labaad haddii jaanis
ku habbooni jiro?

Jacaylku waa mid ka mid ah darreenada uu Ilaahay innagu abuuray ee ay ka mid yihiin farxadda, cadhada nacaybka iwm. Qofku dhawr jeer iyo in ka badanba uu cadhoon karaa, farxad badan ayuu dareemi karaa si ka badan hal mar, si la mid ah sida uu u cadhoon karo dhawr jeer. Jacaylkuna waa la mid. Qofku waa uu jeclaan karaa hal mar, laba jeer iyo dhawr jer oo kala duwan haddii ay ku munaasib tahay.

Jacaylku waa dareenka ugu awoodda badan dareennada. Iskama yimaaddo’e, waxa uu ku yimaaddaa odhaah qof qancisay, hab dhaqan oo jiitay ammaba hab-muuqaal qalbigiisa dhex qaaday. Haddii uu qofku (wiil iyo gabadhba) ka arradan yahay in la jecelyahay ama la jecelyahay, waxa hubaal ah in uu si fudud u saamayn karo qofkaa ay ka heshay/uu ka helay. Waa run oo caqabad wey ku noqon kartaa waayihii jacayl ee hore ee uu soo maray, balse muddo ka dib, waxa uu gaadhayaa heer uu is dhiibo.

Wey badan yihiin tirade dadka uu ku beermay jacayl labaad oo ka fiican jacaylkii koobaad ee soo maray. Tusaale waxa inoogu filan Umu Salama (RC) oo ka mid ahayd asxaabtii Nebiga gaar ahaanna mid ka mid ah lammaanihiisi nolosha la wadaagi jiray. Sheekadeedu waxa ay u taallaa sidan:

“Markii odaygeedii Abu Salama u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay dagaalkii Uxud ka dib, ayaa waxa ay aamintay in aanu soo mari doonin nin ka wanaagsan isaga (Wanaagu uu dhinacyo badanyahay jacaylka ayaana kaw ka ah). Waxa odhaahyadeedii ka mid ahaa “Xagee ayaad ka helaysaa nin ka wanaagsan Umu Salama!” Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa guriga ugu soo galay Nebi Maxamed nnkh. Wuxu u sheegay in uu rabo in uu u soo geed fadhiisto iyada. Markii ay dhaliilaheeda u sheegtay ka dib, Nebigu scw uu ku aqblay isaga oo u sheegay in aanay dhibaato u keenaynin isaga. Dabadeed na, waxa ay tidhi “Ilaahay wuxu Umu Salama iigu badalay Nebi Muxamad oo ka wanaagsan odaygaygii hore!”

Gabogabadii, Qofka waa uu ku dhici karaa jacaylku mar labaad. Wanaagiisa iyo wanaag la’aantiiuna waxa ay ku xidhan tahay sidan: Haddii uu ninku/gabadhu ay hesho nin/gabadh ka wanaagsan kii/tii hore, waa hubaal in uu jacaylkii hore jacaylkan danbe ka fiicnaan doono. Balse, haddii gabadhii/ninkii hore ka wanaagsan yahay kan danbe, waa hubaal in uu jacaylkii hore ka fiicnaan doono kan danbe.

 

Ahmed Ali Diriye

Mob. Phone: +252 63 346 44 47

Facebook: Ahmed Ali Diriye