JACAYLKA IYO DOORASHADA LAMMAANAHA

 

Labadii qormo ee qormadan ka horreysay waxa aynu kaga hadalnay afar tiir oo ka mid ah shanta tiir ee ay tahay in ay iska qiimeeyaan labada lammaane ee guriga wada dhisanaya. Qormadan waxa aynu kaga hadli doonnaa tiirka shannaad ee u danbeeya:

5. Tiirka Caadifadda

Caadifadda iyo jacaylku waa mid ka mid ah tilmaamaha la isku xusho xilliga doorashada lammaanaha. Marka aad tiirkan is qiimaynayso is weydii in aad xaqiiqatan qofkan jeceshahay iyo in kale. Isa suaal: sababta aan gabadha/ninka u guursatay ma waxa weeye waayo iyada ayaad jecesahay mise waxa aad rabtaa in aad kaga gabato mushkilado kugu soo habsatay? Ma gabadha ayaad jeclaatay mise nolosha

qoyska iyo in ubad laguu dhalo? Waa in aad is weydiisaa, ma gabadha ayad jeclaatay lafteeda, mise waxa ad rabtaa uun in ay gabadhu kagala qayb qaadato dhisida qoyska iyo kobcinta ubadka?

Nolosha qoysku waa in ay ku salaysnaata is jacayl ay is jecelyihiin lammaanaha labada dhinacba. Haddi kale, waxa ay culays ku noqon doontaa qofka aan gabadha jeclaan balse raba uun in ay ubad u dhasho waayo haddii uu gabadha ubadkaa ka waayo qoyskaasi uu burburayaa.

Sidee ayaad ku garan kartaa in aad gabadha jeclaatay ama in aad jeclaatay qoyska iyo in ubad laguu dhalo uun? Marka aad xasuusato, haddiii aad xasuusato guri, qoys iyo ciyaal, iyada maad jeclaan e waxa aad jeclaatay nolosha qoyska, balse, haddii aad xasuusato iyada oo ku ag fadhida, haddii ay niyaddaada ka dhex guuxayso iyada oo aad wada joogtaan, waxa aad ogaataa in aad gabadha jeceshahay. Sidaa daraadeed, marka ugu horreysa inta aanad nolosha qoyska galin horta is qiimee adoo is weydinaya labadaa su’aalood:

1. Ma ninka/gabadha lafteeda ayaad jeclaatay mise in ay ubad uun kuu dhasho iyo dhiska qoyska

2. Ma waxa aad u guursatay (wiil iyo gabadh ba) si aad ugaga gabato duruufta addun ee adag e ku soo waajahday?

Nolosha qoysku waa is dhammaystir ay is kaabayaan labada lammaane. Waxa laga yaaba in uu hal nin jeclaado gabadh aan dhinacba ka fiicnayn balse uu ka helay hal dabeecad oo isaga ka maqnayd. Waxa ay tani jawaab fiican inoogu noqon kartaa suaasha aynu had iyo goor is weydiinno ee ah: maxaa sababay in nin dhinac walba ka fiicani uu guursado gabadh dhinac walba ka liidata amaba gabadh dhinac walba ka fiicani ay jamato nin dhinacyo badan ka liita.

Shantaa tiir kee aya ugu muhiisan? Shantu ba waa muhiim laakiin se qofka iyo shakhsiyaddiisa ayay ku sii xidhantahay ta u muhiimsan isaga. Dadka qaar hab-muuqaalka ayay ugu baxdaa, qaarkood dareenka iyo cadifadda, halka qaar kalena ay muhiim u tahay qiimayaasha ay bulshadu leedahay.

Hadaba, mushkilada ayaa waxa ay tahay, marka aynu nolosh qoyska is qiimaynayno in aynu hal dhinac uun wax ka eegno inaga oo aan dhinacyadii kale na qiimaynin, dabadeed, marka ay labadii qof isku qoto dheeradaan (is guursadaan) ayaa waxa soo baxda dhaliilaha ku gadaaman dhinacyadii kale ee aynaan qiimaynin taas oo qoyska burburisa.

Dhammaad

 

Ahmed Ali Diriye

Mob. Phone: +252 63 346 44 47

Facebook: Ahmed Ali Diriye

E-mail: axmadiya@gmail.com/info@hagahaguurka.com

Website: www.hagahaguurka.com