Jabuuti: Xaamud Cabdi Suldaan Oo La Xidhay

JABUUTI(SLpost)-Dowladda Djibouti ayaa shalay xabsiga dhigtay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo dhawaan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Dhjibouti.

Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidamadu ka kaxeysteen iridka hore ee Isbitaalka shalay markii uu ka soo baxay.

Waxa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladdiisa caafimaad madaama weli aanu bogsoon oo uu baahan yahay dhaqtar in uu arko maalin walba.

Dowladda ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay 32 qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Aqaafta.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkan la xidhay lagu so ooggey dacwado la xidhiidha rabshaddihii maalinti isniinti 21-kii December 2015 ka dhacay duleedka magaalada Djibouti gaar ahaan degmada Balbala kuwaas oo dadna ay ku naf waayeen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Cadaaladda ee JabuutiCali Faarax Casoowe ayaa difaacay go’aanka ay dowladda ku xirtay Wasiirkii hore ee Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan iyo Duqii hore ee magaalada Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Geelle iyo sodomeeyo qof oo kale oo maanta la xiray.