Wefti Ka socda SONYO oo ka warramay Ujeeddada Socdaal ay ku Joogaan Jabuuti

Jabuuti (SLpost)- Wefti ka socda Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO oo dhowaan safar shaqo ku tagay dalka Djibouti, ayaa iyagoo ku sugan caasimadda dalka Djibouti, waxa ay ujeeddada safarkooda kaga warbixiyeen warsaxaafadeed ay soo saareen iyaga oo ku sugan Jabuuti.

War-saxaafadeedka SONYO ayaa u dhignaa sidan  “Wefti Dallada SONYO ka socota ayaa booqasho shaqo ku timid Jamhuuriyada Djibouti. Waftigan oo ka kooban lix xubnood oo ka kala tirsan Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta SONYO iyo laba xubnood oo ka tirsanaa Golihii Sare ee 5aad ee dhowaan xilka hoggaaminta dallada dhowaan wareejiyey. Waftigan ayaa socdaalkan soo gashey 13-kii bishan February. Booqashadan shaqo ee waftiga ayaa socon doonta 5-cisho iyadoo waftigana uu hoggaaminayo Axmed Abokor Maxamed oo isagu ka tirsanaa xubnihii Golihii Sare ee 5aad ee dhowaan xilka wareejiyey.

SONYOUjeedada Safarkan shaqo ayaa ahayd in la unko xidhiidh wada-shaqeyneed oo adag oo dhexmara dhallinyaradda Djibouti iyo Somaliland iyo sidii dallada SONYO ay u yeelan lahayd saaxiibo dhaw iyo hay’ado taageera oo ka tirsan dalalka Geeska Afrika. Sidoo kalena, Waftiga ayaa iyaguna kulamo gaar gaar ah oo muhiim ah la yeelan doona hay’adaha caalamiga ah ee deeqaha horumarineed bixiya ee ku sugan magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti.

Waftigan oo shaqadooda hore ka bilaabay ayaa ila imika la kulmay Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Djibouti, ganacsatada reer Djibouti ee daneeya dhallinyaradda iyo guud ahaan arrimaha Somaliland. Waftigu waxay sidoo kale kulan muhiim ah la yeesheen Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Djibouti. Waftigu waxay booqasho shaqo ku tageen safaarada Faransiiska ee Djibouti iyadoo waftiga ay halkaas kusoo dhaweeyeen xubno sare oo safaarada ka tirsan gaar ahaana ka socday arrimaha deeqaha caalamiga ah iyo horumarinta ee safaarada.

Waftiga waxaa u qorsheysan kulamo dheeraad ah oo ay la yeeshaan ururada dhallinyaradda Djibouti, hay’ado horumarineed oo caalami ah iyo kulamo dheeraad ah oo ay la qaataan Jaaliyada Somaliland ee Djibouti.

Wixii warar ah ee safarkaas shaqo ee SONYO ku wajahan waxaa laga baahin doonaa gadaal insha Allah.”

Axmed Abokor Maxamed,

Hoggaanka Weftiga SONYO”