Jabahadda ONLF oo Dagaaladii Gudaha Deegaanadda Somaliada Waji Cusub u Yeelay

Ethiopia(SLpost)Ciidamada Dagaal yahanka ONLF ayaa waxa ay wadaan dagaalo sil-silado ah oo ay ku naafaynayaan Ciidamada Itoobiya ka jooga Ogaadeeniya.

onlf

Xoogagga ONLF ayaa dagaallo cul-culus oo ka dhacay Maygaagjiif oo degmada Danood ee Gobolka Doollo ka tirsan,Cadaadi oo xarunta Gobolka Faafan ee Jigjiga ka tirsan,Garloogube oo Doollo ka tirsan,Candhofidiye oo Xamaro ka tirsan,Cagoole oo degmada Sagag ka tirsan, Lafta-galoolka oo Garigo’an ka tirsan,Labiga oo Dhagaxbuur ka tirsan,Cali-fancad oo degmada Sagag ka tirsan,Bahnimadow oo Jigjiga ka tirsan, Baqdaad oo degmada Dh/buur ka tirsan,Kunya oo degmada Q/bayax ka tirsan ayaa war murtiyeed ka soo baxay Taliska ONLF ee Xarunta dhexe guulo waaweyn ku sheegtay isaga oo waxa uu ugu yeedhay “Ciidamada Cadow-ga ee naf-lacaariga ah” ay khasaare laxaadleh ugu gaysteen.

Dagaaladan oo tan iyo todobaadkii la soo dhaafay ay si wada jir-ah uga qayb qaadanayeen qaybaha dhammaan ONLF uga dagaalama Sagaalka Gobal ayaa 43 askarta Itoobiya iyo gacan-yaraheeda Liyu Police-ka lagaga dilay halka 50 kalena lagaga dhaawacay.

Saraakiil u hadashay Ciidamada ONLF ayaa sheegay in hawl-galadan ay yihiin kuwo lagu doonayo in looga sufeeyo Ciidamada Itoobiya goobaha ay deegaanada Ogaadeeniya kaga sugan yihiin.

Ciidamada dagaal yahanka ONLF oo maal-mahan ba isweedhka ka hayay Magaalooyinka ayaa gawaadhida Ciidanka itoobiya ee soo baxaya gubaya iyaga oo gaadhi Ciidan oo Itoobiya leedahay iyo waxii saarnaa ba Saban u daayay isaga oo maraya Daridabiyomadow oo Dhuxun ka tirsan. Halka, mid kale iyo waxii saarnaa ba ay dhaba’gal ku gubeen Ciidanka ONLF isaga oo maraya Labiga oo Dhagaxbuur ka tirsan.

Lama oga khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay Balijiic ee degmada Dhagaxmadow ku dhex-maray Ciidamada Itoobiya iyo Liyu Police-ka oo dhinac ah iyo Ciidamada Dagaal yahanka ONLF.

Sidoo kale, dagaal Arbacadii la soo dhaafay ku dhexmaray Ciidamada Huwanta ah iyo dagaal yahanka ONLF tuulada Wartimire oo Dh/buur ka tirsan ayaanan u suurto galin Ogadentoday in ay hesho Khasaaraha ka dhashay.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland