Jaamacadda Gollis oo Shahaado Sharaf ku Maamuustay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada + SAWIRRO

Siilaanyo_Xirsi (4)Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) oo maanta kala qaybgalay ardayda Golis University Qalin-jebintoodii 6-aad ayaa waxa uu ka mid noqday Xubno sharafeedkii ay jamacada Golis halkaasi ku gudoonsisay Shahaaddo Sharaf PHD ah isoo kale waxa ay Jamacadu Shahaadooyin Gudoonsisay Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali X Xasan oo isagu ku mutaysay Shaqada 24 ka Saac uu qaranka u hayo isaga oo marwalba diyaar ku ah xafiiskiisa madaxtooyada saacadii loo baahdaba taasi oo ay jaamacadu ku maamuustay Shahaadada loo yaqaan master waxaanay u balan qaadeen sanadka danbe in wasiirku uu qaadan doono PhD isagana looga baahan yahay uun inuu diyaariyo Thesis ama Buuga Qalinjebinta.

Waxa isna halkaasi shahaado sharaf ku mutaystay Ismaaciil Aadan Cusmaan wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland wakhtigii Dawadii hore iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland oo isna dedaal dheeraada oo uuka sameeyey wax soo saarka Dalka ku mutaystay Shahaadadan waa Prof. Geedoole intaasi ka dib waxa madaxweynuhu uu shahaado Sharaf gudoonsiyey dhawr shirkadood o ay jaamacadu ku qiimaysay dedaalka Dalka ay ka geysteen kuwaas oo ay ka mid ahaayeen VOA, BBC-SOMALI, WORLD BANKA, HORN CABEL TV iyo kuwo kale oo badan.
Siilaanyo_Xirsi (14) Siilaanyo_Xirsi (13) Siilaanyo_Xirsi (12) Siilaanyo_Xirsi (11) Siilaanyo_Xirsi (10) Siilaanyo_Xirsi (9) Siilaanyo_Xirsi (8) Siilaanyo_Xirsi (7) Siilaanyo_Xirsi (6) Siilaanyo_Xirsi (5) Siilaanyo_Xirsi (4) Siilaanyo_Xirsi (3) Siilaanyo_Xirsi (2) Siilaanyo_Xirsi (1) Siilaanyo_Xirsi Siilaanyo_Xirsi (15)Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu bixiyey koobab loogu talo galay ardaydii ugu saraysay jaamacada iyo laba arday oo ka mid ah shaqaalaha madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo kala ah Cbadiraxmaan Faarax Xasan iyo Muxiyadiin Cabdiraxmaan Maxamed.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa