Jaamacadda Culuumta Badda Ee Berbera Waa Jaamacadd Qaran ee Maaha Mid Xisbi – W/Q: Eng Maxed Axmed Habane

Qoraalkey maaha mid cid gaara aan ula jeed maaha naxli iyo xummaan mid abuuraya ee waa mid naruurada nasteexada iyo horumarka u ah tacliinta sarre ee gobolka saaxil qoraal ahaan uun uma taageersani horumarinta tacliinta sare ee berbera ee waa mid aan wakhti nolosheyda kamida u horey  oo aan kaga shaqeeyey jaamacad ku taala berbera.

Waxaanan ahay ninkii ugu horeeyey ee arday berbera jaamacadd ku dhameeya u saxeexay transcript -ga ardayga maadaama oo aan ahaa academic and students affairs waana guul aa nasiib u yeeshay ilaahay uga mahad naqayo.

habIntaa ka dib waxaan u guddo galayaa dulucda ama u jeedada qoraalkeyga kaasi oo ku saabsan jaamacadda qarranka ee culuumta badda ee berbera. Jaamacadda baddu waxay soo martey marxalado badda oo kala danbeeyey wixii hore yaanan kugu daaline kasoo bilow  dhamaadkii 2012 oo jaamacaddu gacanta u soo gashey maamulka gobolka saaxil oo markaa hogaaminayey halyeyga reer saaxil mudane maxamud cali suleiman (ramaax )oo markaa badhasaabka ahaa gobolka.

Waxaa jaamacadda laga bilaabey duruustii waxaan la duwaangaliyey ilaa 71 ardey oo markaa dugsiga sare soo dhammeystey

jaamacadda waxaa ilo dhaqaale oo kaabis ah looga sameeyey

  1. Haamaha keydka shidaalka
  2. Dowlada hoose ee berbera
  3. Dekedda berbera

Sadexdaa meelood ba waxay siiyaan dhaqaale joogto ah bil kasta intaa waxaa dheer in ardayda laga fee $30 bishii arday kasta goobta wax lagu baranayo waa meel ay jaamacaddu lee dahay.

Waxaas oo nimco iyo dhaqaale ah iyaddoo jaamacaddu ay hesho ayaa haddana waxaa ka muuqata horumar la,aan wey iyo dib u dhac taasi waxaa kuu cadeyneysa ardaydii lagu bilaabey ee ahaa ilaa 71 arday intoodii badney wey isaga tageen iyagoo ka niyad jabey horumar la,aanta kuna wareerey mugdina ka galey mustaqbalkooda.

Iyadoo waxaas oodhibaato ahi jirto ayaan haddana la garaneyn strategic plan ka jaamacadda waxaaney dhaafi laadahay tiro kooban oo waliba ardaydii berbera oo kaliya ah gobaladii kalena malaha miyir iyo maan ay ku soo xero galiso ardaydana ku maamusho.

Intaaba waxaa sii dheer markii intii yareyd ee ku hadhey jaamacadduna ay ku biireen xisbiga waddani mee maamulkii ardeyda hagayey mise iyagaaba ka dabeeya inay ardaydu waxaas ku hadlaan.

Waxaa soo if baxaya xidhiidhkii hoose ama qarsoodiga ahaa ee ka dhexeeyey maamulka jaamacadda badda iyo xildhibaanka wadani ee maamula jaamacadda gollis berbera taasi waa ta hal mar ay labada jaamacadood ardaydoodu ugu biireen xisbiga waddani

Qalinkii Eng Maxed Axmed Habane