Jaamacadda Carabta Oo Liiska Argagixisada Ku Dartay Xizbullah

Masar(SLpost)-Jaamacadda Carabta ayaa urur argagixiso u aqoonsaday dhaq-dhaqaaqa shiicada ee Xizbullah ee ka dhisan Lubnaan, todobaad uun kaddib markii ay tallaabadan oo kale ay qaadeen dalalka Carabta ee khaliijk.

Ururkani Jaamacadda Carabta oo u badan waddamada Sunniga ayaa waxa uu sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid loo wada dhan yahay.

jaamacada

Xizbullah ayaa milatari iyo siyaasad ahaanba ah awood muhiim ah, waxa ayna ku lug leeyihiin dagaalka Suuriya.

Xisbullah ayaa madaxweyne Bashar al-Assad ka taageerta fallaagada ay barataarayaan waddamada Khaliijka.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in tallaabadani ay qaaday Jaamacadda Carabta oo kaashanaya tallaabo hore oo ay qaadeen waddamada ku bahoobay golaha khaliijka Carabta ee uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa waxa uu cadaadiska ku sii xoojin doonaa Xisbullah.

Go’aankani uu qaatay ururkani ka kooban 22-ka waddan ayaa waxa uu taagero u noqonayaa Sucuudi Carabiya iyo dhammaan waddama Khaliijka.

Xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Xisbullah ayaa dhawaan cirka isku sii shareertay xilli Sucuudiga uu muran toos ah kala dhexeeyo Iiraan oo aad u taageerta Xisbullah.