Jaamacadda ADMAS oo xaflad Balaadhan Ugu dabaal degtay Sanad-guuradda 22-aad ee Somaliland

Hargeysa (SLPOST)  Jaamacad ADMAS, ayaa caawa si balaadhan u xustay sanad guurad 22-aad ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay madaxbanaanid jamhuuriyad Somaliland.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo xalay lagu qabtay huteel Maansoor, ayaa waxaa ka soo qaybgalay , boqolaal ka mid Ardayda jaamacad ADMAS oo ku labisan Astaanta Calanka Somaliland ,Waxaa kale oo ka soo qayb galay Maamulka iyo Maclimiinta jaamacada, sidoo kale waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Cadaaladda , Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda, Maayarka magaalad Hargeysa, Agaasimaha Tacliinta Sare , Agaasimaha wasaaradda Cadaalada , Fanaanka weyne ee Nuur Daalacay iyo marti sharaf kale oo badan.

Sharmaake Maxamed Abiib oo ka mid gudidii soo qaban qaabisay munaasibad ayaa umahad celiyey dhamaanba dadkii kale qayb qaatay qabsoomid xafladdan, waxaanu u hambalyeeyey shacabka Somaliland.

Al fanaan Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay ), ayaa isna Hambalyo u diray dhamaan shacabka Somaliland, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu wadanka gudihiisa kala qaybgalo dadweynaha Somaliland oo u dabaaldegaya maalinta xornimadoodda, waxa kale oo uu ku dardaarmay inay dalkooda dhistaan jeclaadan ,isla markaana ay aqoontooda ugu faa’iideeyaan , waxaanu Nuur daalacay ugu digay dhalinyarad inay tahriibaan waxaanu ugu xog waramay xaalad tahriibta , intaa kadib Nuur Daalacay waxa uu xaflada ka qaaday heesaha wadaniga ah ee uu caanka ku yahay oo mar qudha madashii isla sare kacday.

Ixsaan Cumar Ismaaciil Gudoomiyaha Jaamacad ADMAS ayaa iyaduna shacabka Somaliland u hambalyeysay maalinta 18 may, waxayna tidhi “Anigoo ku hadlaaya magaca jaamacad ADMAS Waxaan u Hambalyeynayaa Xuska 18may oo qaali ku ah shacabka Somaliland.” Maayarka Magaalad Hargeysa C/raxmaan Caydiid (Soltelco), ayaa isna inuu ku faraxsan yahay inuu kala soo qaybgalo xafladan ay ardaydu dhigteen isla markaana lagu xusayo madax banaanidda Somaliland, waxaanu yidhi “18 may waa maalin Qaran qiimeheed leh markaa waan idiinku hambalyeynayaan Xuskan aad u qabteen si aad u qiimaysaan”

Agaasimaha Tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa maalintii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland “ Hadaynu nahay bahda waxbarashada waxay siweyne u xusaynaa 18 may markaa waa inaan ka dhex muuqataan , hay,adda dawlada iyo Ciidamadda”.

Wasiirka wasaaradda Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo halkaasi ka hadlay ,ayaa sheegay in munaasibadani bilow u tahay xuska Sanad guurada 22 aad ee lasoo noqoshad Somaliland , waxaanu xusay inay muujinayso go’aanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan qaran madaxbanaan.

admasWasiirka cadaaladu waxuu si qoto dheer ugu waramay halgankii dheeraa ee loo soo maray dibu xoraynta Somaliland waxaanu tilmaamay inay dhalinyaradu markasta door weyne ku leeyihiin halganka himilad Somaliland “ Waxaan leeyahay haday kumaan sano qaadanayso ka noqon mayno qadiyadeen Somaliland waa inaad daafacdaan oo aad heegan u ahaataan. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo gabo gabadii munaasibada ka hadlay ayaa u hambalyeey Xuska 18may waxaanu ku amaanay Jaamacada ADMAS qaban qaabada xuska oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sanad guuraddii 22aad ee ka soo wareegtay maalinta lagu dhawaaqay madaxbananidda Somaliland waxaanu ku dardaaray inay ku adkaadan Qarannimadooda “Waxaan sheegay in himilad Somaliland ay tahay mid qofkasta oo reer Somaliland ah Uu xil ka saaran yahay, Waxay dunidu inagu ictiraafaysaa in dan kaa yeelato ama ay garwaaqsato gobonimadan maaha mid bilaash lagu helo markaa dhaliyarooy idinkaa lidiinka baahan yahay inaad difaacdaan dalkiina ka shaqaysaan horumarkiisa dalkaaga ayaana wax lagu noqdaa.”

Si kastaba ha ahaatee, madaxdii iyo ardaydii halkaasi ka hadashay ayaa ka sheekeeyey taariikhdii ay soo martay maalintan loo dabaaldegayo ee xornimadda Somaliland iyo qiimaha uu leeyahay calankaasi saddexda midab leh

somalilandpost.net