Jaamacad Maraykan ah oo Billad-sharaf iyo Abaalmarin lacag ah guddoonsiinaysa muwaadinad Somaliland ah oo Dedaalkeeda la Majeertay

Philadelphia (SLpost)- Machad ka tirsan jaamacada Pennsylvania ee dalka Maraykanka, ayaa shaaciyey inay abaalmarin iyo lacag gaadhaysa boqol kun oo dollar ($100,000) siin doonaan muwaadinad u dhalatay dalka Somaliland oo la majeertay dedaalkeeda dhinaca gar-gaarka bani’aadamka.

“Caafimaadka iyo nabadgelyada dumarku qiimo weyn ayey noo leedahay,” ayuu yidhi Jean Renfield-Miller, gudoomiyaha ururka Renfield ee bixinaya abaalmarintan. “Abaalmarintan waxay dhiirigelinaysaa ku baraarugsanaanta xaaladaha ay  waajahaan dumarka iyo hablahu maanta, isla markaana, dhiirinaysa abuurida xalkii mushkiladaha. Abaalmarinta dadka ugu horeeya dhinaca, waxaan filayna inaan taageerno dumarka hormoodka ka ah aduunka.”

Edna_graduating_nursesSida shalay lagu daabacay barta Newswire, abaalmarintan oo labadii sannadood mar la bixiyo ayaa sannadkan a gudoonsiin doonaa Marwo Edna Adan Ismaaciil oo cusbitaalkeedu isbedel ku sameeyey caafimaadka haweenka Somaliland iyo deegaamo kale.

Abaalmarintan ayaa la sheegay inuu Edna Aadan u xulay Qoraaga caanka ah ee Nicholas Kristof oo maqaalladiisa ku daabaca wargeyska The New York Times, isla markaana aqeyb ka qaatay soo saaristii buug lagu magacaabo (Cirka badhkii: U beddelka murugada fursado ay helaan dumarka dunidu’.

“Edna Adan ayaa hormood keliya ka noqon shaqadeeda kalkaaliso ee Somaliland, waxayna hindistay dhismaha cusbitaal iyo xarun tababar oo soo saarta kalkaalisooyin iyo umulisooyin ka shaqeeya guud ahaan Somaliland,” ayuu yidhi  Kristof, waxaanu intaas raaciyey, “Waxay dedaal weyn u gashay joojinta gudniinka fircooniga ee dalkeeda. Dhab ahaan waa waxtar noloshaadu, waana muhiimada aad xiisaynaysid daawashada waxqabadkeeda.”

Edna Aadan Ismaaciil, ayaa la filayaa in abaalmarintan lagu gudoonsiiyo Kulanka Caafimaadka Haweenka Dunida oo ay ka soo qayb-galayaan khubaro, dhakhaatiir iyo martisharaf kala duwan, kaas oo 15 bisha May ee sannadkan ku qabsoomaya dalkaasi Maraykanka.