Jaamac Shabeel Oo Sheegay Inaanu Jirin Olole Uu Xisbiga KULMIYE Ka Dhex Wado Golaha akiilada Oo Uu Ku Raadsanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlaly wararka muddooyinkii ugu dambeeyey la hadal hayey ee ku saabsanaa in Xisbiga Kulmiye uu olole ka dhex wado Golaha Wakiilada oo uu ku doonayo in Xildhibaan Xisbiga Kulmiye ka tisani uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada marka uu xilka uu iska casilo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), waxaanu sheegay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiriin, oo aanu Xisbiga Kulmiye Olole wadin.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel),oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay diiwaangelinta cod bixiyaha oo la filayo in bisha soo socota la bilaabo, waxaanu Bulshada ku booriyey inay wada qaataan kaadhka diiwaangelinta doorashada, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, wali waa Guddoomiyihiin Wakiilada, wali kursigii ayuu ku fadhiyaa, wali ismuu casilin, cidda leh Kursiga Wakiilada ayuu Kulmiye olole ugu jiraa, waxa aan u arkaa inay tahay cid riyoonaysa, maxa yeelay wali wuu jooga Cabdiraxmaan Cirro, waxa alaale waxa ka jira in aanu Olole ugu jirno iyo Olole aanu ka dhex wadno Golaha Wakiilada waa been”.

Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta Cod bixiyaha ayaa yidhi “Diiwaangelinta kaadhka cod bixiyaha oo la filayo in la bilaabo, waxa aan Shacabka reer Somaliland leeyahay qaata, waliba cidda xaqa u leh ee dastuurku u ogol yahay inay qaadato, waxa aan leeyahay qaata, oo si nadiif ah u qaata, si Doorashada soo socota loogu galo kaadhkaas”. 

Xigasho Geeska Afrika