Jaamac Oomaar Seed oo Maalintii Afraad Ku Xidhan Xabsiga Gabbood+Ehelladiisa oo Laga Horjoogsaday Inay Booqdaan+Sababaha loo Aanaynayo Xadhigiisa

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar
Geelle ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha Shirkadda
Ganacsiga ee Oomaar Trading Co. Ganacsade Jaamac Oomar Seed oo Ka mid
ah Tujaarta ugu waaweyn Dalalka SOmalialnd iyo Djibouti.  Ciidammada
Jandarmaariiga loo yaqaan ee dawladda Jabuuti ay Ganacsade Jaamac
Oomaar Gurigiisa ka soo qabteen Maalintii axaddii iyaga oo Ku xidhay
xabsiga dhexe ee loo yaqaan Gabood. Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo
baxay dawladda Jabuuti oo ku saabsan xadhiga ganacsadahan hase yeeshee
ilo wareedyo ku dhaw Ganacsade Oomaar ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay
in loo aanaynayo xadhigiisa Sigaar dalka Jabuuti la keenay dhawaan
kaasi oo lagu eedeeyey Shirkadda inaanay habka sharciga u soo marin.
Dhinaca kalena waxa wararku tibaaxayaan in  xadhigiisa lagu
xidhiidhinayo xidhiidh ka dhexeeyey isaga iyo nin kale oo ganacsade
ahaa oo u dhashay dalka Jibouti balse hore dalka uga cararay ka dib
markii xafiiltan dhinaca siyaasadda ahi dhex maray oo la yidhaahdo
Cabdiraxmaan Boorre. Ciidammada ayaa sidoo kale Albaabada u laabay
xarunta ganacsi ee shirkaddaasi ku leedahay magaalo madaxda Jabuuti
taasi oo ilaa hadda xidhan.  Ma jiro war rasmi ah oo Illaa xilligan ka
soo baxay dhinaca shirkadda iyo dhinaca dawladda iyadoo warku intaa ku
darayo in xataa eheladda  ganacsadahan loo diiday inay xabsiga ku
booqdaan.
Somalilandpost News
 
Sharikadda Oomaar Trading oo xarunteeda ugu weyni ku taallo Somaliland
oo uu leeyahay ganacsade Jaamac Oomaar Seed ayaa ah shariikadda ugu
weyn ee ka jirta Somaliland, waxaana ay dekedda berbera kala soo degta
bishii hanti ka badan laba jeer marka la isku darro hantida ay
ganacsatada kale ee Somaliland kala soo degaan, waxaana lagu tilmaama
inuu yahay ninka ugu cashuur bixin badan markay noqoto ganacsiga ka
shaqeeya Somaliland.

Somalilandpost.net

Djibouti