Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti oo taageero aanay u kala hadhin u muujiyey Urur-siyaasadeedka WADANI

Jabuuti, 29 January, 2012 (WADANI)- Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa si weyn u taageeray Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka mid ah Ururrada siyaasadda Somaliland oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Munaasibad ballaadhan oo 27/01/2012, lagu qabtay Hoolka Tamarind Bristo oo ku yaal Madaarka calamiga ee magaalada Jabuuti, taasoo ay ka soo qaybgaleen dad fara badan oo isugu jira Rag iyo Haween ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu taageero Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo guud ahaanba Ururka WADANI, waxaana ugu horreyn Xafladda ka hadashay Aamina Cabdi oo xubin ka ah Jaaliyadda Somaliland ee Jabuuti , waxanay faahfaahin ka bixisay ujeeddada ay kulankaas u qabteen ee ay isugu yimaaddeen. “Waxaynu caawa isugu nimi oo aynu Xafladdan quruxda badan halkan ugu qabannay haddaynu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Jabuuti inaynu taageero ugu muujinno Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka mid ah Ururrada siyaasadda Somaliland, ahna ururkii ugu horreeyey ee isu diiwaangeliya Urur-siyaasadeed, kaasoo uu Guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayey tidhi Aamina Cabdi.

Marwo Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi; “Urur-siyaasadeedka WADANI waxaynu la garab-taagannahay hiil, hoo iyo taageero buuxda, waxaanannu leenahay waddani ha guulaysto, haddaannu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti. Sababta aannu u taageerayno Urur-siyaasadeedka WADANI waxa weeye waxaannu u aragnay inuu WADANI yahay Urur-siyaasadeedka kaliya ee Qaranka Somaliland metali kara, ee maanta wadi kara dadka iyo dalka Somaliland.” Waxaanay Marwo Aamina u soo jeedisay guud ahaanba bulshada reer Somaliland dibed iyo gudo meel kasta oo ay joogaan inay taageero hiil iyo hooba leh isla garab-taagaan Urur-siyaasadeedka WADANI oo ay ku tilmaantay mid lagu aammini karo hoggaaminta Qaranka Somaliland ee mustaqbalka.

Shugri Balayax, oo kulankaa ka hadashay ayaa halkaa ku soo bandhigtay Buraan-bur ay ku muujinayso taageerada ay u hayaan Urur-siyaasadeedka WADANI, kaasoo ay ku tilmaantay mid Somaliland halka ay maanta joogto hore uga dhaajin karo haddii uu ku guulaysto doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacaan sannadkan iyo sannadaha soo socda ee golayaasha deegaanka, Baarlamanka iyo Madaxtooyada Somaliland oo iyadu ugu dambayn doonta oo la filayo inay afar sano ka dib qabsoonto. Waxaanay Shugri u mahad-celisay dadka faraha badan ee isugu yimi Xafladdaas iyo qaban-qaabiyayaasha suurageliyey qabashada Munaasibaddaa Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti isugu yimaaddeen kuna taageereen Urur-siyaasadeedka WADANI habeennimadii ay Bishani 27-ka ahayd.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Md. Cabdiraxiim Cali, oo gebagabadii Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, gaar ahaan Caasimadda dalkaas ee gartay inay halkaa ka soo taageeraan Ururrada siyaasadda dalkooda Somaliland ka ay u arkayaan in hoggaaminta dalka iyo dadkaba lagu aammini karo mustaqbalka, waxaanu aad ugu mahad-celiyey dadka xafladdaa isugu yimi. Guddoomiyaha Jaaliyaddu waxa uu sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo sidoo kale Ururka uu horkacaya-ba, isaga oo sheegay inay taageero hoo iyo hiil-ba leh la garab-taagnaanayaan WADANI maanta illaa maalinta doorashooyinka oo uu xusay inay u rejaynayaan guul. “Maanta iyo maalinta doorashadaba waannu garab-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI ee uu Guddoomiyaha u yahay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaan ballan-qaadayaa aniga oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti inaannu hoo iyo hiil-ba la dhinac-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI, oo aannu maalinta doorasho la gaadhana codkayaga diyaar ula nahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee deggan waddanka Jabuuti. Waxaanu intaa ku daray; “Waxaannu Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro Illaahay uga baryaynaa inuu talada dalka Somaliland ku guuleeysto, una fududeeyo hawsha culus ee hoggaaminta Ururka iyo Qarankaba ah ee uu hayo.”

Waxa Xafladdaa lagu soo bandhigay Heeso cusub oo uu leeyahay Urur-siyaasadeedka WADANI oo dadweynihii Munaasibaddaa ka qaybgalay aad uga mafsuudeen dhagaysigooda, kuwaasoo la daaray wakhtigii nasashada iyo sharaab-cabbidda Xafladdaas oo ahayd mid si fiican loo soo agaasimay oo bilic iyo degganaansho badan laga dheehanahay, iyaga oo dadka ka soo qaybgalay farxad iyo dhoolla-caddayn badani ka muuqdeen wejiyadooda.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net