Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti oo Abaalmarinno guddoonsiiyay Shakhsiyaad ay wax-qabadkooda ku maamuuseen

Hargeysa (SLpost)- Ururka Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka jabuuti (Somaliland Community In Jabuuti) ayaa abaal-marin sanadeed gudoonsiiyay shakhsiyaad isugu jira Wasiiro, Ganacsato Iyo Ururada Bulshada, kuwaas oo ay u soo xusheen inay sannadkii hore wax-qabad balaadhan ku talaabsadeen.

hhhhMunaasibadii loo sameeyey guddoonsiinta Abaal-marinta sannadkan dhaafnay 2013 ilaa 20014-ka oo maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay hoggaanka Ururka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti, Wasiiro, Ganacsato, Aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdinaasir Axmed Ibraahim ayaa ka waramay sababta ay Ururkoodu shakhsiyaadkan ugu soo xusheen inay waxqabad ku talaabsadeen,ayaa waxa uu yidhi, “Waa sanadkii labaad ee Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti abaal-marin sanadeed ay gudoonsiiso shakhsiyaad ay u aragtay jaaliyadu inay dalka wax-u-qabteen, oo isugu jira Wasiiro,Ganacsato iyo ururada Arrimaha bulshada. U-jeedada ugu weyn ee ay jaaliyadu ka leeyihiin abaal-marintani waxa weeyaan in masuuliyiinta horumarka ka sameeyey shaqada ay bulshada u hayaan lagu dhiiri-geliyo inay halkaasi meel ka sii sareysa gaadhsiiyaan.”

jjj1“Jaaliyadu sidoo kale, waxa hawlaha ay qabatay ka mida qaban-qaabinta munaasibadaha Xusaska qaranka Somaliland ee 18 May, iyo 26 June,iyo Soo dhaweynta masuuliyiinta Somaliland markay socdaalka ku yimaadaan dalka Jabuuti, isku xidhka labada bulsho ee Somaliland Iyo Jabuuti ee walaalaha ah iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinka ka dhaca Somaliland, iyo arrimo kale oo fara baddan,” ayuu yidhi Cabdinaasir

Ururka Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa waxay abaal-marin sanadeedka gudoonsiiyeen Wasiirada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed),Guddoomiyaha Jaamacada GOLIS ee Magaalada Hargeysa Prof Siciid, Marwo Luul Xasan Mataan,Maamulaha Dugsiyada Nuura-Diin Mahad Ibraahim Maxamed, Shirkadda Zamzam Food Industry, Shirkadda Digaaga ee Maandeeq,Weriye Maxamed Xasan Cali (Weji), iyo Ururka Somaliland Youth Group.

SOMALILANDPOST.NET