Jaaliyadda Somaliland ee Bristol oo Mooshin u gudbiyey Golaha Deegaanka Magaaladaa iyo Ujeeddada uu xambaarsan yahay

Jaaliyadda Somaliland ee Bristol oo Mooshin u gudbiyey Golaha Deegaanka Magaaladaa iyo Ujeeddada uu xambaarsan yahayBristol (SLpost)- Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, ayaa golaha deegaanka magaaladaas u gudbiyey mooshin ay kaga dalbanayaan sidii loo mataanayn lahaa magaalooyinka Bristol iyo Berbera ee caasimadda gobolka Saaxil.

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Bristol oo uu wehelinayey danjiraha Wareega ee Somaliland Keysar Cabdilaahi iyo la-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee madaxweynaha Axmed Xasan Carwo oo taageero ka helaya xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka magaaladaas oo muddooyinkii u dambeeyey olole ballaadhan ugu jiray sidii loo mataanayn lahaa labada magaallo, ayaa Golaha deegaanka Bristol (Bristol City Council) hordhigay mooshinkan.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa isla markaana daba-socota dhowr bilood ka dib markii golaha deegaanka magaaladaasi Aqoonsaday qadiyadda madax-bannaannida Somaliland. Haseyeeshee, doorasho ka dhacday waddanka Ingiriiska oo isbeddel ku samaysay dhammaan inta badan mudaneyaashii golahaas ee u codeeyey inay aqoonsadaan Somaliland, lama garan karo natiijada laga fili karo mooshinka lagu mataanaynayo labada magaalo.

Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa hore ula mataanowday magaalada Henley ee dalka Ingiriiska, waxaanay magaalada Berbera noqonaysaa magaaladii labaad ee Somaliland oo la mataanowday magaale kale oo ku taala dalka Ingiriiska haddii uu mooshinkani hirgalo.

HALKAN KA DAAWO