Jaahwareerka Wasaarada Maaliyada iyo Jabkii ay Kala Kulantey Kordhintii Cashuuraha Qaadka oo ay Ku Muuseysan tahey Dagaalkii Dhagaha Libaaxa ee Wasiirrada U Dhexeeyay

Sida lawada ogyahey Waxa uu Dhawaan Wasiirka Wasaarada Maaliyadu dhawaan hor keenay Golaha Wakiilada ee uu kamid ahaan jirey Hogaankiisa Miisaaniyadii 2013ka arintan oo Bulshada inteeda badani ka dhursugayeen jidka uu Goluhu u maro ansixinteeda, iyadoo la filayay sida qaalibka ah in ay Goluhu falanqeyn doonaan dood adag waajihi doonaan islamarkaana, ay ku sameyn doonaan Kaabis iyo wax ka badelka lala kaashanayo Gudida Dhaqaalaha, haseyeeshee sidaa Bulshadu fileysay waxba umay dhicin ee waxaa lagu war helay in Goluhu Duuduub u ansixiyay arintan oo Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland yaab iyo afkala qaad ku noqotey.

Hadaba waxa iyaduna soo baxeysay tan iyo intii Miisaaniyadaa la ansixiyay in Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale kaambeyn adag kasii galey ka hor intaanu Golaha hor keenin Miisaaniyada kana Mustafeeyay inta ugu badan ee Xildhibaanada Golaha isagoo la kaashanaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Ciro oo fahamkoodu ku xidhan yahey mudadii ay Xilka Shirgudoonka wada joogeen, waxa nin laga hayay Walee nin ay ku hadhey ayay howli u taalaaye waxa cad in aanu isagoo Afartan bixinin Wasiirka Maaliyada Ansixintii Miisaaniyada  waxa uu markiiba isku qaadey Kordhinta Cashuuraha Qaadka, taas oo Xiligan ku noqotey Maskii Qoratada afka ku qaatey ee haduu tufana indha beelayay haduu liqana ku dhimanayay waa laba kala dooro, taas oo inta laga waraqabana ay talaabadan culus u hoos raaceen raga ay Xukuumada kawada tirsan yihiin ee Dagaalka Qabow ee halista ahi u dhexeeyo kuwaas, oo uu la haysto dhegta Odeyga iyo Takale oo iyaguna Geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii ay uga furfuri lahaayeen,hadeynu dhinac kale ka eegno wey fiicnaan laheyd in La Kordhiyo Cashuuruhu laakiin waxey belo ka joogtaa mala wargaliyay Ganacsatada Jaadlayaasha aheyd in lagu kordhiyay tacriifadii Cashuurta aheyd mise lama ogeysiin waxyaabaha faashilka Wasaarada ah ee Wasiirku ku ceebaysan yahey waxa kamid ah waxa mar kaliya Kordhintan Cashuurta  wada ogaadey jaadlihii oo aanay Masuuliyiintu inta badan kaxeynin iyo Maamulkii iyo Howlwadeenadii Wasaarada Maaliyada Kastamka taas oo ay Codasadeen jaadluhu in caawa Sidii hore loogu cashuuro habeen dambena ay waragalinta iyo kutagalkeediiba yeeshaan balse, taasina waxa lagaga dhigey qaflad iyo mid ka cadheysiisaa kadib markii lagaga gubey Kastmaka Cashuuraha Qaadka Kalabeydh lix Baabuur oo qaad sida oo afar kamid ah ay laheyd Shirkada Dakhliga ugu badani kasoo Galo Dowlada Cashuuraha Qaadka ee 571 ee uu leeyahey Xaaji Maxamed Tarabi oo loo yaqaan (Ina-Afdiinle) ficilkaas oo ay ka muuqato fashilaada Aqoonta qabashada Cashuuraha iyo Dhaqaalaha ee ka Weyn heerka Wasiirku ka taagan yahey Wasaarada Maaliyada iyadoo ay aheyd in uu adeegsado khabiiradii Kastamka aqoonta iyo Waaya-aragnimada fog u lahaa ee tuulka-Wasaarada loo yaqaan Balse uu ka doorbidey inamo yaryar oo aan Waayo arag aheyn Sikastaba aha haatee waxa iyana Qalad labaad ah in Tacriifadii uu soo saarey aaney aheyn mid uu ka bixiyay Ogeysiis Kastamada ah  iyo tashigii Wasiirkii ka horeeyay Sida ka dhacdey Kastamka Baligubadle oo Masuulkii kastamka Joogey Ku Cashuurey Qaadkii tii hore ee uu haystey isagoo Diidey amarkii Telefoonka ahaa oo uu ku kalsoonaan waayay balse lagu taxaabay Waxa hadaba Xusid mudan jidkee ayuu u marey Wasiirkii ka horeeyay ee isla Xukuumadan talada haysaa Eng Maxamed Xaashi Cilmi markii uu kordhinayay Tacriifada ,waxeynu ognahey in uu isugu yeedhay Ganacsatada Jaadka oo dhan wadatashi iyo Is qancin dabadeed waxa la isla qaatey in la ogolaado Kordhintii Cashuurta Qaadka ee Wasaarada Maaliyadu wakhtigaa jideysay iyadoo, aanay dhicin wax muran ah iyo Fowdada hada taagan midna talaabadaas oo la odhan karo Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu diirada ku saarey arimo badan oo ay kamid yihiin in Wadaniga Cashuurta soo galinya dalka doorkiisa la siiyo, in lala tashado in lagu wargaliyo Cashuur kordhinta iyo ujeedooyinka loogu baahan yahey, in uu la tashado waxna ka weydiiyo Khubarada Wasaarada Maaliyada ee aqoonta u leh xeerarka Cashuuraha kordhinta Tacriiifada iyo waliba miisaanka dakhli kordhinta ee Waayaha iyo Duruufaha kala duwan ee ay sida ugu fudud isula waafaqayaan Wasaarada iyo Ganacsatada ka mushtara Qaadku.

Guntii iyo Gagabagabadii waxey tani kamid athey arimo caado u noqdey Xukuumada maanta jirtya oo talaabada ay qaadaba dhex  galeysa Beer Miino ah oo aan jid looga baxaa jirin iyadoo dad badani ay leeyihiin ilaahow yaa haragiisii neefka inagaga celiya, Waxaan kaga baxayaa in Wasaarada Maaliyada Barnaamijkeeda xiligan ay ku dhex Muuseysan yihiin  Arimo oo ay kamid yihiin dagaal Xukuumada dhexdeeda ah waxaana aan isweydiin laheyn in (Cold-War) ugu weyni haynta dhagaha libaaxa ee hadey sidan kusii socoto waxa khalkhal gali doona bixinta Cashuura badan oo odoroska Miisaaniyada Sheekha kujirtey.

Wa Bilaahi Towfiiq……………….

Mustafe Sheekh Abokor Xuseen

Email:intisaar@hotmail.com

Tog-Wajaale Somaliland