Itoobiya Oo Sheegtay In La Dhmeystiray Qodista Laba Ceel Shidaal Ah Oo Ku Yaal Ismaamulka Somalida Itoobiya.

Addis ababa(SLpost)- Shirkada POLY-GCL ee qandaraaska lagu siiyey soo saarida shidaalka Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegtay in ay dhamaystirtay qodista laba ceel, islamarkaana ay bilowday in ay daraasad ku sameyso inta kaydka shidaalku le’eg yahay.

Itoobiya ayaa horey u faafisay in gaaska ku jira goobahan lagu qiyaasay 4.7 trilyan oo gaas ah iyo 13.6 milyan foosto oo ah shidaal dareere ah.

Wasiiro-dawlaha arrimaha shidaalka, Wakgari Furi, ayaa wakaalada wararaka ee Reuters u sheegay in hawshu si degdeg ah u socoto oo laga yaabo in wax soo saarka la bilaabo sanadkan.

Shidaalka Jeexdin iyo Ilaale ayaa markii ugu horeesay la ogaaday 1970-kii, laakiin wixii intaa ka dambeeyey daraasad buuxda laguma samayn sababo la xidhiidha dhanka amaanka iyo marinkii laga dhoofin lahaa dartood.

Kambaniga POLY-GCL oo si wadajir ah ay u leeyihiin dawlada Shiinha iyo shirkad gaar ah oo fadheegeedu yahay Hong Kong ayaa balaayiin doolar ku maalgeliyey horumarinta shidaalka oo lagu wado in la soo saaro 2018-ka sida Itoobiya sheegtay.

Ururka ONLF oo dawlada Itoobiya u aqoonsatay argagixiso, ayaa hadda ka hor ugu baaqay shirkadaha shisheyaha ah in aanay ka hawlgelin goobahaas, maadama ayna amaan ahayn.

Dhanka kale, warbaahinta reer galbeedka ayaa xustay in jabhadu carqaladeyn karto barnaamijkan, inkasta oo ciidamada Itoobiya awooda ciidan ee jabhada aad u wiiqeen.

Shirkada Shiinaha ah ayaa kutala jirta in ay shidaalka ka dhoofiso dakada Jabuuti, iyada oo dhiseysa dhuumo dhaadher oo isku xidha goobaha shidaalka iyo marsada dalka Jabuuti.