Itoobiya oo shaacisay tirada Waddamo ku kala yaala Laba Qaaradood oo Codsaday iibka Korontadeeda

Addis Ababa (SLpost)- Lix waddan ka mid ah dalalka Afrika iyo Eeshiya, ayaa la sheegay inay dawladda Itoobiya u gudbiyeen codsi ay ku dalbanayaan iibsiga korontada marka la dhameeyo dhismaha biyo-xidheenka weyn oo dhalin doona awood koronto gaadhaysa 10 kun MW, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xukuumada Itoobiya.

Dhaamka quwadda korontada ItoobiyaFeke Ahmed ayaa oo ka tirsan wasaarada Biyaha, Tamarta Itoobiya ayaa sheegay in wadamada Kenya, Yemen, Tanzania, Uganda, Brundi iyo Rwanda soo gudbiyeen codsi ay ku dalbanayaan korontada Itoobiya, marka laga yimaaddo dalalka Sudan iyo Jabuuti oo wakhtigan isticmaala korontada dalka, sida lagu baahiyey barta WaltaInfo oo soo xiganayeysa sarkaalkan.

dhaamka itoobiyaMasuulkan ayaa intaas ku daray marka laga yimaaddo lacagta adag ee Itoobiya ka hesho iibka Korontada, inay muhiimaddoodu tahay buuxinta baahida korontada ee dalkooda, isla markaana iibinta korontadu ku xidhnaan doonto sida ay hadba u helaan tamar dheeraad ah oo soo baxdo.

“Itoobiya waxay noqotay wadanka keliya qaarada Afrika ee dhaqaalahiisu ku tiirsamo korontada oo talaabo macquul ah,” ayuu yidhi Feke Ahmed. Isagoo raaciyey. “Mustaqbalka waxaan sii wadi doonaa dhismaha biyo-xidheeno kale dhaqaalaha iibka korontada ka soo baxa,”

Itoobiya ayaa dhaqaale gaadhaya 65 milyan oo dollar ka heshay korontada ay ka iibiso dalka Jabuuti oo gaadhaysa 40 ilaa 50 MW ilaa markii la bilaabay bishii May, 2011.

SOMALILANDPOST.NET