Itoobiya oo Shaacisay Qodobbo ay dhawaan ka wada hadleen Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Xukuumada Itoobiya ayaa shaacisay qodobada lagaga hadlay kulan todobaadkii hore ku dhexmaray magaalada Addis Ababa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam.

Qoraal kooban oo shalay lagu baahiyey barta Wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland kulan uu la yeeshay raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam kaga wada hadleen shaqada guddi wadajir ah oo qaabilsanaa arrimaha amaanka, ganacsiga iyo isu-socodka xadka.

faysal071Qoraalka xukuumada Itoobiya ayaa lagu sheegay in qodobada kale labada dhinac ka wada hadleen ku jirtay isku-xidhka waddooyinka iyo Tamarta korontada Itoobiya la soo gaadhsiiyo Somaliland.

Qodobadan ayaa noqonaya qaar muddooyin fara badan ay guddiyada  labada waddan ay  hore wada-hadal uga yeesheen, balse, waxa la diirradda lagu hayn doonaa natiijada ka soo baxda wada-xaajoodka wakhtigan ee madaxda ugu sareysa labada wadan ay yeesheen.

SOMALILANDPOST.NET

xigasho: HIMILO NEWSPAPER