Itoobiya oo Qorshaynaysa inay Quwadda Korontadeeda u dhoofiso Waddamada Bariga Dhexe

Addis Ababa (SLpost)- Dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay ku hawlan yihiin qorshe ay ugu iib-geynayaan Quwadda korontada ay soo saaraan biyo-xidheennadoodu waddamo uu ku jiro dalka Yemen, sida sarkaal ka tirsan Itoobiya u sheegay wakaaladda Wararka ee Anadolu oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Wakaaladda Korontada dalka Itoobiya, Misikir Negash, waxa uu sheegay inay weli ku hawlan yihiin hirgelinta qorshahan.

electricityy“Fikradan weli daraasad laguma samayn. Qorshahu waxa uu u baahan yahay in si weyn loo derso,” ayuu yidhi sarkaalkani, waxaanu intaas raaciyey, in ay wadaan diyaargarow dheeraad ah oo ku saabsan qorshahan.

“Daraasad ku saabsan qaabka farsamo ee mashruucan ayaan dhowaan bilaabaynaa,” ayuu yidhi Negash.

Haddii Qorshahani u suurto-galo wakaalladda korontada ee Itoobiya, waxa la filayaa in Xadhig korontada uy qaada dalka Yemen la hoos-marin doono biyaha Gacanka Cadmeed.

Wefdi ka socda dalka Yemen ayaa bishii hore socdaal ay ku gaadheen magaalada Addis Ababa, waxa ay wada xaajoodka qorshahan ku saabsan kala yeesheen masuuliyiinta dalka Itoobiya, sida uu sheegay sarkaal u hadlay safaarada Yemen ee magaalada Addis Ababa.

“Yemen waxay qorshaynaysaa inay ka iibsato Itoobiya quwad koronto oo gaadhaysa 100 Megawaat, waxaana la marinayaa dalka dhinaca Jabuuti,” ayuu sarkaalkani sheegay isaga oo intaas ku daray inaanu weli bislaanin qorshahani.

Itoobiya ayaa waddamada jaarkeeda ka iibisa quwadda Koronteeda ee laga dhaliyo biyo-xidheennada uu dalkaasi leeyahay, waxaanay dalka Sudan ka ka iibisaa quwad koronto oo gaadhaysa 100 megawat, dalka Jabuuti oo ay ka iibiyo 35 megawat halka iyo 400 megawat ay ka iibiyaan dalka Kenya.

Dhamaystirka biyo-xidheen weyn oo Itoobiya qorshaynayso inay ka dhisto Niil-ka Cad ka dib, waxa la inuu u sahli doono korodhka quwad koronto oo dalkaasi u dhoofiyo Wadamada woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland oo muddooyin hore wada-xaajood ku saabsan sidii quwada korontada loogu soo dhoofin lahaa dalkeeda kala yeelatay xukuumada Itoobiya, isla markaana ganacsato fara-badan oo Somaliland u dhashay ay qaadhaan ugu yabooheen dhismaha biyo-xidheenkaas, ayaa ilaa wakhtigan ka dhur-sugaysa inuu dalkeeda soo gaadho korontada dalka Itoobiya ee biyaha laga dhaliyo.

SOMALILANDPOST.NET