Itoobiya oo la Wareegtay Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qodobbada Horyaala Shirka furmay

Haile Mariam Desalegn

Addis Ababa (SLpost)- Shirkii Madaxweynayaasha QaaraddaAfrika oo maanta ka furmay magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, ayaa qodobada ajandayaashiisa la filayaa inuu ugu weyn yahay ka hadalka dhibaatada dagaal ee ka taagan dalka Maali.

Dalalka Afrika qaarkood ayaa iyagu horeba ugu yabooheen inay ciidamo u dirayaan Dagaalka Faransiisku hogaaminayo ee la doonayo in kooxaha falaagada ah lagaga xoreeyo woqooyiga dalkaasi ee ay haystaan.

Haile Mariam Desalegn
Haile Mariam Desalegn

Shir-madaxeedka Afrika ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo kharashka ku baxaya ciidamada ka howl-gelaya dalka maali iyo sida kharashkooda loo qaybsanayo, iyada oo ilaa hadda ay dalka Maali gaadheen ciidamo xadidani.

Wararka ka imanaya Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxa ay sheegeen in shir-madaxeedka lagu eegi doono sidii mowqif midaysan looga qaadan lahaa xaaladda dalka Mali, iyada oo lagu wado in laga hadlo oo kale xurgufta dhextaala labada Suudaan iyo guud ahaan xaaladaha waqtigan ee Qaarada ka jira.

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn ayaa shalay loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika waxaana xilkaas si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxweynaha dalka Benin, Yayi Boni oo xilka Guddoomiyaha Ururka loo doortay sannadkii hore.

Kulanka uu kula wareegay Guddoomiyanimada Ururka Midawga Afrika Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya waxa ka hadlay Madaxweynaha Falastine Maxamud Cabaas, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimon, Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Midawga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma iyo madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Ghana.

Kulanka Madaxweynayaasha Afrika iyo Dublamaasiyiinta kala duwan ee Dalalka Afrika waxa si qoto dheer ay madaxdu ugu xustay waxqabadkii kontonkii sano ee uu Ururka Midawga Afrika jiray, iyagoo si qoto dheer uga waramay Dibu-dhacyada iyo Horumarka ay Qaaradu gaadhay gaar ahaana Dhinacyada Horumarka iyo Dagaalada.

Somalilandpost.net